CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Kooxo taageersan Faysal Cali Waraabe oo rabshado ka sameeyay Xafiiska xidhan ee UCID iyo jidka Madaarka

Hargeysa, 31 July 2011 (Ogaal)- Kooxo dumar iyo dhalinyaro ah, ayaa shalay barqadii rabshad la hor-tegay xafiiska guud ee xisbiga UCID oo ku yaala agagaarka huteel Guuleed ee xaafadda Shacabka ee magaalada Hargeysa, kaasoo ay ilaaliyaan ciidamada amaanku, ka dib markii uu xisbigaasi u kala jabay laba garab. Isla markaana guriga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan [...]

Ingiriiska oo Wada Qorshe Soomaalida Dembiyada geysata iyo Kuwa Maskaxda ka buka Lagu Keenayo Somaliland

Hargeysa, July 31, 2011 (Ogaal)- Dawladda Ingiriiska ayaa la sheegay inay ku hawlantahay qorshe ay Somaliland ku keenayso dadka Soomaaliyeed ee fal-dembiyeedyada kala duwan ka geysta dalkeeda. Sida lagu baahiyay shabakadda Berberanews, waxa uu Ingiriisku qorshaynayaa hindise uu ku damacsantahay inay qaxoonti ahaan ku keenaan Somaliland dadka Soomaaliyeed ee fal-dembiyeedyada kala duwan ka galay dalkeeda, [...]

Khasaaraha ka dhashay dagaal qadhaadh oo beelo deris ah ku dhexmaray Killalka shanaad ee Itoobiya

Dacawalay/Abbokor-Axmed, 31 July, 2011 (Ogaal)- dagaal culus oo ay iskaga soo horjeedaan Beelaha Ogaadeen iyo Arab, ayaa maalintii labaad shalay ka socday deegaannada Abbokor Axmed iyo Dacawalay oo ka wada tirsan Degmada Xarshin Killalka Shanaad ee deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Abbaaro 11:30-kii shalay, ayuu maalintii labaad shalay dagaalku ka bilaabmay deegaanka la yidhaahdo Dacawaley, kaasoo [...]

Somaliland oo laga xusay Toddobaadka Naas-nuujinta oo 2011-ka hal-ku-dhag looga dhigay (IGALA-HADAL)

Hargeysa, 31 July 2011(Ogaal)- Marwada 1aad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamuud Jirde iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan,  ayaa shalay ka qaybgalay xuska maalinta Naas-nuujinta adduunka oo lagu qabtay Hoolka hay’adda Shaqaalaha dawladda ee magaalada Hargeysa. Xaflad loo sameeyey Xuskaas maalinta Naasnuujinta Caalamka, waxa kale oo ka qaybgalay Saraakiil ka [...]

Hargeysa: Gunaanadka Shirweynihii 4aad ee ururka Suxufiyiinta SOLJA oo hoggaan cusub lagu doortay

Hargeysa, 31 July 2011 (Ogaal)- Shirweynihii 4aad ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa galabta lagu soo gebogabeeyay caasimadda Hargeysa. Shirweynahan oo muddo laba maalmood ah ka socday hotelka Ambassador, waxa ka qaybgalay 63 ergay oo ka kala yimi lixda gobol ee Somaliland, waxaana gunaanadkii lagu doortay hoggaan cusub oo saddexda sannadood ee soo socda [...]

Tirada Carruur u dhimatay cudurro iyo gaajo ka dhashay abaaraha ku dhuftay Soomaaliya

Muqdisho, 31 July, 2011 (Ogaal)- Ugu yaraan 16 Carruur ah ayaa  cudurro iyo gaajo ka dhashay abaarta ku dhuftay dalka Soomaaliya u dhintay, waxaana tiro kale oo carruur ahi ay la il-daran yihiin cudurro halis ah oo macluusha iyo nafaqo-darrada haysataa sababeen. Saraakiil caafimaad ayaa xaqiijiyey Sabtidii shalay in 16 Curruur ahi ay ku dhinteen [...]

Maraykanka oo Liiska madow ku daray laba xubnood oo Al-shabaab ka tirsan

Washington DC, 31 July 2011 (Ogaal)- Wasaaradda Lacagta Maraykanka ayaa ku dartay liiska argagixisada ee oo yaqaano (black list) laba xubnood oo ka tirsan ururka Al-shabaab ee Somalia. Talaabadan waxa lagu qaaday Cumar Hammami iyo Hassan Mahat Omar waxa laga xayirayaa wax kasta oo hanti ah oo ay ku leeyihiin gudaha dalka Maraykanka, isla markaana [...]

“Kootadii Adhiga ee Rayaale waxa beddelay Kootada Isgaadhsiinta ee Madaxweyne Siilaanyo”

Qoraal fadeexad ah oo ka soo baxay Xukuumadda Djibouti Hargeysa, 30 July 2011 (Ogaal)- Iyada oo weli hirgelinta saldhiga Berbera ee isgaadhsiinta badda hoosteeda maraa uu u dabran yahay ogolaanshaha xukuumadda Somliland, ayaa hadana waxa soo baxaya laxaadka fara-gelinta lagu hayo qaybta Somaliland ee mashruucan oo lagu magacaabo EASSY (East Afican submarine fibre optic system). [...]

Guddiga doorashooyinka oo shaaciyey inay dhammaystireen qorshe lagu qabanayo doorashada G/Deegaanka baaqna u jeediyey dawladda

Hargeysa, 30 July, 2011 (Ogaal)- Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa shaaciyey inay dhammaystireen qorshe hawleed suuragalinaya in doorashada Golayaasha deegaanka dalka laga qabto wakhtigii ay hore muddo-kordhinta ugu cayimeen Golaha Guurtidu. Sidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Ku-simaha Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil, ahna xubin ka tirsan Guddigaas. Waxa uu [...]

Magacyada Guddi dhex-dhexaadineed oo Xisbiga UDUB u saaray khilaafka hadheeyey dhiggooda UCID

Hargeysa, 30 July, 2011 (Ogaal)- Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, ayaa Guddi shan xubnood ka kooban u xil-saaray sidii ay dhex-dhexaadin iyo isu soo dhawayn uga gali lahaayeen khilaafka ka dhex jira Xisbiga UCID, kaasoo si weyn u sameeyey toddobaadkii tagay Hoggaanka UCID oo kala qaybsamay. Sidaa waxa lagu sheegay war-saxaafadeed kooban oo ka soo [...]

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE