CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Xukuumadda oo sii daysay Maxaabiistii ugu badnayd ee laga qabtay nabad-diidka Buuhoodle iyo sababta keentay

Hargeysa 28, February 2011 (Ogaal)- Xukuumadda Somaliland, ayaa sii daysay maxaabiistii ugu badnayd ee dagaal lagu qabto, kuwaasoo dhowaan ciidanka qaranku gacanta ku dhigeen. Maxaabiistan oo tiradoodu tahay 42 Maxbuus, waxa laga qabtay maleeshiyada nabad-diidka ah ee SSC ka dib markii uu kooxdaas iyo ciidanka qaranka dagaal ku dhexmaray degaamo ka tirsan Kalshaale oo u [...]

Guddiga Dhaqaalaha ee Wakiilada oo soo bandhigay talo-bixintooda Miisaaniyadda iyo meelaha ay soo jeediyeen in lacagta loo kordhiyo

Hargeysa 28, February 2011 (Ogaal)- Guddida Dhaqaalaha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa shalay golahooda u soo bandhigay warbixin ku salaysan Miisaaniyadda 2011 oo muddooyinkii u dambeeyay ay soo naaqishayeen. Guddoomiyaha guddida dhaqaalaha Maxamed X. Maxamuud Cumar-xaashi, ayaa fadhigii shalay ee golaha oo uu shirgudoominayay guddoomiyaha golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxa uu mudaneyaasha uga akhriyay warbixinta [...]

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo sheegay in la xidhi doono qofka qora cabashooyinka Garsoorka

Hargeysa 28, February 2011(Ogaal)- Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Maxamed Xirsi (Oomane), ayaa shalay xadhig iyo hadidaad kula kacay Suxufi ka tirsan Wargeyska Ogaal oo ku gudo jiray hawlmaalmeedkiisa shaqo. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, waxa uu gaashaanka ku dhuftay in su’aalo laga waydiiyo cabasho ka soo yeedhay muwaadiniin kala duwan oo tabashooyin badan  ka tirsanayey garsoorka [...]

“Waxaan u soo jeedinayaa dadka deegaanka Buuhoodle inay xumaanta ka dambaysiyaan wanaag iyo xal nabadeed”

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Qori-lugud 28, February 2011 (Ogaal)- Xukuumadda Somaaliland, ayaa fulisay amar uu hore Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ugu go’aamiyay in la aaso baraagihii deegaanka Kalshaale oo sababay dagaaladii dhawaan ka dhacay deegaankaas. Wefti ka socday xukuumadda Somaliland oo isugu jira wasiiro, afhayeenka Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale oo shalay gaadhay goobtaas, ayaa faahfaahin ka bixiyay duruufaha [...]

Wasiir ka tirsanaa maamulkii Col. Qadaafi oo Xukuumad Mucaaradku abaabuleen kaga dhawaaqay qaybo ka mid ah Liibiya

Tripoli 28, February, 2011 (Ogaal/AP)- Ciidamada ka soo horjeeda Madaxweyne Qadaafi,  ayaa la wareegay magaalada muhiimka leh ee  Zawiya oo keliya 50 Km u jirta caasimadda dalka Liibiya ee Tripoli. Sida ay sheegtay wakaalada wararka AP, ciidamada ka soo horjeeda Qadaafi ayaa isku diyaarinaya sidii ay difaac uga geli lahaayeen wadooyinka Zawiya oo weeraro ay [...]

Burco: Qaar ka mid ah Haweenka Danyarta ah oo cabasho la hortegay xarunta gobolka iyo jawaabta maamulka Togdheer

Burco 28, February 2011 (Ogaal)- Qaar ka mid ah haweenka danyarta ah ee ku dhaqan magaalada Burco, ayaa shalay dibax-bax cabasho ah ka hor sameeyay xafiiska  maamulka gobolka Togdheer ee magaaladaas. Sida uu ku soo waramy weriyaha Wargeyska Ogaal Mr. Mahad Faarax, cabashada Haweenkaa danyarta ahi waxay ka dambaysay ka dib markii siday shegeen maamulka [...]

Taiwan’s medical group offers free health care to over 45 poor countries

A group of Taiwanese doctors, nurses, pharmacists, medical students and volunteers spent their Lunar New Year holidays in early February offering free health service for needy people in Botswana, a country bordered by South Africa to the south, Namibia to the west, and Zimbabwe to the east. “I have celebrated the Lunar New Year in [...]

“Isqabsiga iyo dagaalka Kalshaale ka yimi aad buu u dhaawacayaa meeqaamka Somaliland, sababtoo ah….”

Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa…..WARAYSI Nairobi 27, February 2011 (Ogaal)- Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo u dhashay Somaliland, balse aaminsan mabda’a Soomaaliweyn, ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay wadahadal ku dhamayso xiisada ka taagan deegaanka Kalshaale oo ka tirsan degmada Buuhoodle. Ismaaciil Hure Buubaa isaga oo ku sugan caasimada dalka Kenya ee Nairobi oo u [...]

“Wasiir, Maadaama aad shirkii Soomaaliga lagaga hadlayay ka qaybgashay, ma jabisay sharcigii Somaliland u yaalay, mise…?

Hargeysa 27, February 2011 (Ogaal)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa golaha Wakiilada Somaliland uga xogwaramay siyaasada guud ee arrimaha dibada Somaliland. Fadhigii shalay ee Golaha oo uu shirgudoominayay gudoomiyaha golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, waxa uu wasiirka Arrimaha Dibadu faahfaahin kaga bixiyay siyaasada arrimaha dibada iyo shirkii lagaga hadlayay arrimaha Soomaaliya [...]

Soomaali lagu laayey rabshadaha Liibiya iyo cabsida la soo deristay

Tripoli 27, February, 2011(Ogaal)- Ugu yaraan saddex qof oo Soomaali ah, ayaa shalay lagu dilay dalka Liibiya oo ay todobaadyadii u dambeeyay rabshado hadheeyeen. Sida ay qortay AllAfrica.com, mudaharaadayaal reer Liibiya ah ayaa dilay saddexdaas qof ee Soomaaliyeed. Riyaad Cabdicasiis Cabdiqaadir oo ah qaxooti u dhashay dalka Soomaaliya oo jooga Liibiya ayaa u sheegay idaacadda [...]

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE