CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

As Southern Sudan, Somaliland deserves AU’s recognition

The African Union (AU) chief told AP the organization intends to be the first to recognize Southern Sudan as a new state should the result of its referendum be secession. Malawi’s President Bingu wa Mutharika made the statement on 26th Jan 2011 after meeting Southern Sudan’s Leader Salva Kiir. Mutharika currently holds the rotating chairmanship [...]

Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo fariin gaadhsiiyay madaxda Afrika ee ku shiraya caasimadda Addis Ababa

Addis Ababa 31, January 2011 (Ogaal)- Wasiirka Khaarajiga Somaliland Mr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa fariin u gudbiyay madaxda Midowga Afrika ee shirku uga socdo caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa. Sida lagu sheegay warsaxaafadeed wasaaraddu soosaartay, wasiirka oo uu weheliyo safiirka Somaliland ee Itoobiya Mr. Aaden Nuux Dhuule, waxay kulamo la yeesheen wakiilka Xoghayaha guud [...]

Hargeysa: Gaadiidlay mudaharaad la hortegay xarunta hay’ada UNICEF

Hargeysa 31, January 2011 (Ogaal)- Mudaharaad ay sameeyeen gaadiidley Lancruiser-rada ee magaalada Hargeysa, ayaa shalay ka dhacay agagaarka xarunta hay’ada UNICEF. Mudaharaadkan oo ay gaadiidleydu kaga cabanayeen xad-gudub ay sheegeen inay hay’adda UNICEF kula kacday dadka iska leh gaadiidka u shaqeeya hay’addan, waxa uu ka agagaarka xarunta hay’adaas. Mudaharaadka oo ka bilaabmay xarunta agoomaha ee [...]

Dagaalo wejiyo badan oo ka dhacay deegaanka Kalshaale ee Buuhoodle iyo khasaaraha ka dhashay

Hargeysa 31, January 2011 (Ogaal)- Ugu afar qof oo ka tirsanaa maleeshiyo-beeleedka Buuhoodle iyo askari ka tirsanaa ciidanka qaranka Somaliland, ayaa ku dhintay dagaalo shalay ka dhacay degaanka Kalshaale oo ka tirsan degmada Buuhoodle. Siday sheegeen wararkii u dambeeyay ee naga soo gaadhay xaalada dagaalkaas, waxa uu abaarro 9:30 subaxnimo dagaal koobani dhexmaray labada maleeshiyo-beeleed [...]

Mudaneyaasha Wakiillada oo dood kulul ka yeeshay ajandaha kalfadhigooda 14aad

Hargeysa 31, January 2011 (Ogaal)- Mudaneyaasha golaha Wakiilada Somaliland, ayaa shalay gudagalay doodda ajandaha kalfadhiga 14aad ee golahaas. Fadhigii shalay ee golaha oo uu guddoominayay guddoomiyaha goluhu Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), isla markaana ka qabsoomay dhismaha cusub ee xarunta golaha Wakiilada, waxa dooddooda ka dhiibtay mudanayaal door ah, kuwaasoo soo jeediyay aragtiyo kala duwan. “Waxaan [...]

Hargeysa: Dhiirrashadii Cirro, Dhirbaaxadii Ku-xigeennada & Dhoola-cadayntii isbeddel-doonka

Hargeysa 30, January 2011 (Ogaal)- Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa soo afjaray khilaaf xoogan oo muddooyinkii u dambeeyay kala qaybiyay golahaas. Guddoomiye Cirro oo go’aan dhawr qodob ka kooban ka akhriyay fadhi ay shalay mudaneyaasha golahaasi ku yeesheen dhisme cusub oo looga dhisay xayndaabka dhismaha labada gole ee Xeer-dejinta Somaliland ee [...]

Cadaadiska USA iyo UK ee is-dhiibista Xusni Mubarak iyo Taageerada indho la’aanta ah ee dalka Sucuudiga

Washington, 30 January 2011 (Ogaal/CNN)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, ayaa shalay ugu baaqday Madaxweyne Hosni Mubarak inuu buuxiyo ballamihii isbedel ee uu qaaday, halka Xogahayaha Arrimaha Dibadda Ingiriisku uu ugu baaqay Mr Mubarak isbedello la taaban karo oo muuqda. Waxaanay dhambaaladani ku soo beegmayaan xilli inbadan oo dadweynaha reer Masar ahi aanay dhegeysanayn wax ka [...]

Mudaneyaasha Wakiilada ee gefafka laga xaal-mariyay maxay ka yidhaahdeen go’aanka Guddoomiyuhu gaadhay?

Hargeysa 30, January 2011 (Ogaal)- Mudaneyaasha dabada ka riixayay mooshinkii khilaafka dhaliyay ee golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay siday u arkaan go’aan uu guddoomiyuhu ka soosaaray murankii kala qaybiyay golahaas. Mudaneyaashaas oo ahaa inta badan ee golaha, waxay guddoomiye kuxigeenada 1aad iyo 2aad ee golahaas oo kaashanaya Sharciyaqaan ay kalfadhigii hore ee golaha ka laaleen [...]

Burco: Gaadiidlay cabasho ka muujiyay go’aan ay soosaartay hay’adda UNICEF

Burco 30, January 2011 (Ogaal)- Qaar ka mid ah gaadiidlayda ka hawlgala gobolka Togdheer, ayaa cabasho ka sameeyay magaalada Burco ee xarunta gobolkaas, kaasoo ay kaga soo horjeedaan hay’adda UNICEF oo daryeelka Carruurta u qaabilsan Qaramada Midoobay. Sida uu ku soo waramay weriyaha Wargeyska Ogaal ee Burco Mr. Mahad Faarax, gaadiidlayda oo ah kuwa leh [...]

Maamulka iyo masuuliyiinta amniga gobolka Sool oo ka hadlay dil ka dhacay deegaan ka tirsan gobolkaas

Laascaanood 30, January 2011 (Ogaal)- Maamulka iyo masuuliyiinta amniga gobolka Sool, ayaa ka hadlay dil ka dhacay deegaan ka tirsan gobolkaas. Masuuliyiintu waxay si wadajir ah u sheegeen inay maamul iyo ciidanba ku daba jiraan cidii dilkaas fulisay, kaasoo ka dhacay deegaanka Xidhxidh oo ka tirsan gobolka Sool, isla markaana uu ku dhintay hal qof [...]

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE