CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Isu-soo-baxyo iska horjeeda oo ka dhacay Borama

Boorama 31, July 2010 (Ogaal)- )- Isu-soo-baxyo iska horjeeday, lana xidhiidha habka magacaabista xukuumadda cusub ee dhawaan uu shaaciyay madaxweynaha cusub ee Somaliland ayaa shalay ka dhacay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal. Isu-soo-baxyadan ayaa midka hore oo bilaabmay abbaaro 10:30-kii subaxnimo ee shalay lagaga horjeeday qaabka ay u dhisan tahay xukuumadda cusub ee uu [...]

Wasiirka cusub ee Warfaafinta oo ka hadlay tallaabada u horraysa ee uu qaadayo

Hargeysa 31, July 2010 (Ogaal)- Xukuumadda cusub ee hadda la wareegtay talada Somaliland, ayaa markii u horaysay ka hadashay qaabka ay u adeegsan doonto warbaahinta dawladda, gaar ahaan Raadyow Hargeysa iyo Telefishanka Qaranka oo Xukuumaddii hore lagaga caban jiray. Wasiirka cusub ee Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cusmaan (Geeljire) oo xalay khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska [...]

Hello world!

Welcome to WordPress. This is your first post. Edit or delete it, then start blogging!

Madaxweynaha Cusub oo maanta Magacaabay laba Xil oo Muhiim u ah hawlaha Madaxtooyada

Hargeysa 29, July 2010 (Ogaal)- Warsaxaafadeed maanta laga soo saaray Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay laba xubnood oo madaxweynuhu magacaabay. Xubnahan cusub oo noqonaya hawl-wadeennada ugu muhiimsan xarunta madaxtooyada ayaa kala ah Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ah Guddoomiyaha Wargeyska Madaxa bannaan ee Saxansaxo iyo Xirsi Cali X. Xasan oo ah Mareeyaha Shirkadda Isgaadhsiinta ee [...]

Inaad xaqa baafisaa, ciddee badan kaaga roon

Ugu horeyn waxaan mahad dhamaanteed u celinayaa Ilaahay, ka dibna Rasuulkeenii, naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee. Intaa ka dib waxa dhowaan Somaliland ka dhacay doorasho lagu soo xulayey madaxdii hogaamin lahayd dalka, taasoo ugu danbayn ku dhamaatay si guul ah, ilaahay baa mahad leh, laakiin waxaad moodaa inay yareyd ama inta badan dadkeenu fahamsanay [...]

Somaliland: Rejadii Siddeed sano ka hor iyo ta Maanta!

Hargeysa- 29, July, 2010: (Ogaal)- Wuxu u muuqday mid aad loogu han-wayn yahay, waxa bidhaamayey iftiin ay badi bulshadu bidhaansanayeen, waxa la qabay yididiilo gadaal iska beddashay, waxa la rejaynayay horumar la taaban karo, caddaalad, sinnaan, tiro kooban iyo tayo badan. Sidaa daraadeed, rejada Shacabku dharaartaasi qabay waxay ahayd runtii mid aad u wayn, hase [...]

Masuuliyiin siyaasiyan isu nebcaa oo xilka la kala wareegaya!

Hargeysa- 29, July, 2010: (Ogaal)- Afartii xubnood ee dadka siyaasadda Somaliland iskaga soo horjeeday isugu shaqsiyadda nebcaa, isla markaana xafiiltan siyaasadeed oo weyni ka dhexeeyey sannadihii ugu dambeeyey ee Xukuumaddii Madaxweyne Rayaale talada dalka haysay, ayaa xilal Wasaaradeed la kala wareegaya maalmaha soo socda, kuwaasoo laba ka mid ah uu Wasiirro u soo magacaabay Madaxweynaha [...]

“Dalka wax adduun ah oo aanu qasnadiisa ugu nimi ma jirto, waxa taa ka sii daran..”

Hargeysa, 29 July, 2010 (Ogaal)- Madaxweynaha cusub ee Somaliland, ayaa ka hadlay xaaladda dhaqaale, amni, siyaasadeed iyo sidoo kale xaaladaha ka taagan deegaanka Buuhoodle, waxaanu baaq u jeediyay Garaaddada iyo Madax-dhaqameedka Gobolka Sool iyo Buuhoodle. Madaxweyne Siilaanyo oo shalay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Qasriga madaxtooyada ka jeediyay khudbaddii u horraysay ee intii loo dhaariyay [...]

Miisaanka, aqoonta iyo degaamada xubnaha loo magacaabay Wasiirada cusub

Hargeysa 29, July 2010 (Ogaal)- Madaxweynaha cusub ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu shalay shaaciyay liiska golihiisa Wasiirada, ka dib markii Salaasadii doraad la dhaariyay. Wasiiradan cusub oo ka kooban 20 xubnood, iyadoo sidii hore lix keliya laga dhimay, waxa ka dhex muuqda shaqsiyaad ku cusub masraxa siyaasadda Somaliland. Sidaa aawadeed, Wargeyska Ogaal [...]

Shalay: Muuqaaladii xiisaha lahaa ee madashii xilwareejinta

Somaliland waxay shalay u ahayd maalin kale oo ka mid noqotay maalmaha ku suntanaan doonaa taariikhdeeda. Waxa la dhaariyay Madaxweynihii afraad ee Somaliland yeelato, iyadoo ahayd markii u horaysay ee munaasibad xilwareejin ah loo sameeyo Madaxweyne dalku yeesho. Munaasibada xilwareejinta iyo dhaarinta Madaxweynaha cusub oo lagu qabtay barxadda xarunta Madaxtooyada, waxa ka qaybgalay Madaxweynaha xilka [...]

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE