Ogaalnews
Somaliland marks 22 years of independence
Tweet
People in Somaliland are marking 22 years of self-declared independence from Somalia, but they are still waiting for the world to recognise their region as a country.
Celebrations were held in the capital, Hargeisa, on Saturday, with people holding rallies, waving flags from their vehicles and staging shows in various stadiums.
Somaliland, which is more tribally homogeneous than the rest of Somalia, has been striving for international recognition since it broke away in 991.
Ahmed Mahamoud Silanyo, the region’s president, told Al Jazeera on Friday that, despite Somalia’s calls to be united with the region, Somaliland is determined to retain its independence.
“We would like to remain friends with Somalia, we would like to cooperate with them.
“But as far as our independence is concerned. It is not I who has decided, it’s not my government who has decided.
“It the people of Somaliland, and the history of Somaliland, which has decided that Somaliland is going to be, and has always been a different country.”
The UN and the African Union have both rejected calls to recognise Somaliland.
Having escaped decades of conflict in Somalia, Somaliland, which sits on the Gulf of Aden, employs its own security and police forces, justice system and currency.
It has a reputation for successfully maintaining law and order for its population of 3.5 million.
Al Jazeera’s Nazanine Moshiri, reporting from Hargeisa, said that while war has raged in Somalia for decades, Somaliland has managed to unite its people.
“In the last few years Somaliland has become known as an oasis of peace in the horn of Africa,” she said.
Because Somaliland is not recognised as a state, it is not eligible for international development loans.
“Without recognition, it cannot get the foreign investment it needs,” Moshiri said, adding that aid is instead sent to Somalia.
Source: Al Jazeera and agencies
Madaxweynaha Somaliya oo Qaaday Jid ay ku Tanaadi-waayeen Hoggaamiyayaashii ka horeeyey iyo Ujeeddooyin laga Iftiimiyey hadallo Xanaf leh oo uu Ku soo beegay Wakhti Xasaasi ah
Tweet
Muqdisho, 19 May, 2013 (Ogaal)- Madaxweynaha dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si badheedh ah uga tallaabsaday xayndaabka qodobbadii ay ku fadhiyeen heshiiskii ka soo baxay wada-hadalladii dalka Turkiga ku dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya.
Xasan Sh. Maxamuud oo shalay ka hadlayey munaasibad ka dhacday Muqdisho, waxa uu soo qaaday go’aan ka dhan ah qadiyadda Madaxbannaanida Somaliland, isaga oo hadal ujeeddadiisa laga dhadhansan karay cadaawad uu u hayo Somaliland iyo weerar uu ula badheedhay Shucuurta Shacabkeeda, ku sheegay in raggii ka dambeeyey tabashada iyo go’aanka ay Somaliland Xornimadeeda kula noqotay ay Mootan yihiin, qaarkoodna Gaboobeen isla markaana cid wax laga weydiiyaa aanay jirin.
Hoggaamiyaha magaalada Muqdisho, waxa uu buriyey qodob ka mid ah war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii dalka Turkiga, kaas oo tilmaamayey in aanu dhinacna ku kicin ficil ama hadal caqabad ku noqon wada-hadallada labada dhinac, waxaanu hadalkiisan xanafta si badheedh ah ugu beegay wakhti shalay gobollada iyo Degmooyinka Somaliland iyo Caalamkaba looga dabbaal-degayey  xuska 22-guurada Madax-bannaanida Somaliland.
“Somaliland waxa aan ugu baaqeynaa in ay Soomaali wax la qeybsadaan. Mar kasta dalka waxaa u wanaagsan midnimada meel aan ku kala tagno ma joogno. Haddii Somaliland ay ku andacoonayso dhib hore u dhacay in ay ku goostaan, arrintaasi maaha mid aan dhiiri gelineyno,” ayuu yidhi Xasan Sh. Maxamuud, waxaanu intaas ku daray, “Dhibtaasi maaha mid aan innagu geysannay, dowladihii naga horreeyay ayaa gaystay. Shaqsiyaadka lagu eedeynayana intooda badan way geeriyoodeen kuwa noolna hada waxba ma qaban karaan.”
Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli shalay magaalooyinka Somaliland iyo dunida dacalleeda looga dabaal-degayayey maalinta 18-ka May oo ku beegan 22-guuradii ka soo wareegtay Dib-u-hanashadii madax-bannaanida Somaliland.
Maaha markii u horreysay ee madaxweyne Xasan hadallo noocan oo kale ka yidhaahdo fagaareyaal uu uga khudbadayeey shacabka dalkiisa, tan iyo muddadii ka dambeysay war-murtiyeedkii ka soo baxay wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ku yeesheen dalka Turkiga.
Si kastaba ha ahaatee, marka loo fiirsado hadalka hoggaamiyaha Soomaaliya iyo Wakhtiga uu ku soo beegay, waxa lays weydiin karaa ujeeddada uu hadalladiisa xanafta leh ugu soo beegay wakhti Shacabka Somaliland u dabbaal-deggayaan Xuska 18-ka May. Waxa kale oo isweydiin leh, tallaabada xukuumadda Somaliland kaga fal-celin karto ujeeddada badheedhka ah iyo jebinta heshiiskii dawladda Turkigu ku dhex-dhexaadisay labada waddan.
Madaxweyne Siilaanyo oo Farriin isugu jirta CANAAN iyo BAAQ u diray Shacabka, Kana Hadlay Midhaha ka Dhashay Isbeddellada Siyaasadeed ee Arrimaha Debedda
Tweet
Hargeysa, 19 May, 2013 (Ogaal)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shacabka Somaliland ku guubaabiyey inay xukuumaddiisa ku taageeraan horumar iyo wax-qabadyo uu sheegay inay ka hirgeliyeen dalka.
Mudane Axmed-Siilaanyo, waxa uu ku dooday in xukuumaddiisu ku dedaashay isbeddel iyo koboc dhaqaale oo dalka ka hirgelay, wakhti xaaladda nololeed iyo shaqo marayso marxaladdii ugu liidatay.
Madaxweyne Siilaanyo oo shalay khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey xuska 18-ka May munaasibad loogu qabtay barxadda hore ee Qasriga Madaxtooyada, waxa uu shacbiweynaha dalka ku canaantay inay dayaceen hirgelinta mashaariicda aasaasiga ah ee daryeelka Xoolaha iyo beerashada dalagyada kala duwan, isaga oo dhanka kale kaga dhawaajiyey dhibaato baaxad leh oo deegaanka lagu hayo.
Waxa kale oo madaxweynuhu khudbaddiisa ku soo qaatay isbeddel siyaasadeed oo xukuumaddiisu ku jihaysay hannaanka iyo dibloomasiyadda xidhiidhada caalamiga ah ee Somaliland la leedahay bulsho-weynta caalamka, kaas oo sida uu sheegay wax weyn ka beddelay meeqaamka iyo sumcadda dalku ku leeyahay mandaqadda Geeska Afrika iyo Bulshada Caalamka.
Madaxweynaha oo ugu horeyn shacabka la hadlaya, waxa uu yidhi, “Walalayaal, waddan kasta waxa wax ka dhiga dadkiisa, waxaa horumar gaadhsiisa Ummadiisa, waddan wuxuu taabbo-galaa oo horumar ku talaabsadaa marka dadkiisu meel u wada jeesto, isku duubnaadaan una midoobaan Qaranimada.
Horumarka dalku waa halbowlaha koowaad ee aynu higsanayno, waxaa ogtihiin halka uu dhaqaalaha wadanku marayey waanad ka war-haysaan halka aanu gaadhsiinay, balse wali fari kama qodna, weli waxaanu u faydanahay sidii uu dhaqaalaheenu ugaadhi lahaa meel halkaa ka sii fiican. Waxaanan garwaaaqsanahay baahida jirta iyo heerka ay nolosha bulshadu marayso iyo duruufa kala duwan ee ay ku nool yihiin dadkaygu, waxaan garawsanahay, oo ogahay xilka iyo masuuliyadda iga saran, cidina igama jecla inay gaadhaan nolol aad u fiican, waxbarasho, caafimaad, cunto iyo biyo ku filan, waxaanse ka xumahay in dadkaygu maanta dayaceen Xoolihii, Deegankii iyo waliba Beerihii!
Sidee baynu ku horumaraynaa hadaynaan ku tacbin dhulkeena? Hadaynaan u sabrin oo u dhididin Dhulkeena?”
Isaga oo madaxweynuhu ka hadlay, mashaariic iyo barnaamijyada horumarineed ee xukuumaddu u qorsheysay inay ka hirgeliso dalka, waxa uu yidhi, “Walaalayaal, dunida maanta waynu isu furanay oo wufuud badan iyo dalxiisayaal kala duwan ayaa maalin walba ina soo booqda, Soomaalidu waxay tidhaa “hugaagu wuu kula marti tagaa”.
Waxaanu dib-u-dhis, dib-u-habayn iyo dhismayaal cusub oo bilic leh ku kordhinay xafiisyada wasaaradaha dawlada badankooda.
Waxaanu ka bilownay Caasimada waddooyin casri ah, si aynu ula tartano caasimadaha dalalka jaarka ah iyo kuwa dunida, in sha Allaahu goboladana waanu gaadhsiin doonaa. Waxaanu dardar gelinay dhismaha waddooyinka laamiga ah ee magaalooyinka isku xidha.
Waxaan idiinku baaqayaa inaad gacan ka gaystaan oo aydaan waxba kala hadhin mashaaricdaas kala duwan ee aynu ku talaabsanay fullintooda.”
Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay Dhismaha iyo Geeddiga horumarineed ee Qaranimada, waxaanu yidhi, “Waxaynu dhidibada u taagnay qaran dimuqraadi ah, oo ku dhisan nidaamka axsaabta badan. Madax banaanida Garsoorka, Golayaasha sharci dejinta iyo xukuumada kaas oo ku salaysan mabadiida Caalamiga ah ee dhawrista xuquuqda aadamaha, Maamul wanaaga, Horumarka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.
Waxaynu dib-u-dhis iyo horumarin ku samaynay maamulka dawladnimo, amniga, difaaca qaranka iyo adeegyada bulshada.
Inaga oo ka bilownay wadamada aynu jaarka nahay, waxaynu aduunyada kula dhaqanay jaar wanaag, wax wada qabsi iyo in aynaan faro galin ku samayn arrimaha ugaarka ah dalalka kale.”
Md Siilaanyo waxa uu tilmaamay tallaabooyin ka dhashay isbeddellada siyaasadeed ee xukuumaddiisu ka samaysay arrimaha Debedda, waxaanu yidhi, “Dhammaan tallabooyinkaasi waxay ay dhabbada u xaadhayaan inaynu ka midho dhalino qadiyada madax banaanida Jamhuuriyadda Somaliland, waxaynu ku talaabsanay inaynu usoo bandhigno beesha caalamka jiritaankeena, heerka aynu gaadhnay iyo sida ay inooga go’aan tahay hanashada madax banaanideenu.
Waxaynu ka badheedhnay, in aynaan cidna uga waaban in aynu tagno, kana qayb-galo gole kasta oo lagaga hadlayo arimaha Somaliland, talaabadaasi waxay inoo soo kordhisay:
Inay qadiyadeenu gaadho fagarayeyal badan oo aanay hore u gaadhiin.
Inay qadiyadeenu noqoto mid caalamku xog-ogaal intii hore ka badan u yahay maanta.
Inay abuurmaan dalal badan oo danaynaya gogolna u fidiyay wada hadalada Somaliland iyo Somalia.
Waxaa kulamadaas ka dhashay kana soo baxay heshiisyo caalamku goob joog ka yahay oo summad u ah jiritaanka qaranka Somaliland.
Inaan faro-galin lagu samayn karin qaranimada JSL wax walbana lagu dhamaysto wada hadal iyo wada xaajood ku dhisan nabad gelyo iyo is ixtiraam.
Waxaynu kasbanay daneeyayaal cusub oo maalgashi ka bilaabay dhulkeena.
Gudo iyo dibed, maanta arrimaheenu waxay galeen marxalad cusub oo aynu ku xaqiijinayno horumarka dalkeena iyo hanashada madax banaani buuxda oo aynu gaadhno, geed dheer iyo geed gaabanba waynu u fuuli, god kasta oo ay inala gashaba waynu ka saari doonaa Insha Allaahu.”
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu bogaadin iyo hambalyo u diray Shacabka, “Nabad-galyada, Midnimada ummada iyo difaaca qaranimadu waa aasaaska dawladnimada, waxaan salaan, bogaadin iyo mahad naq u soo jeedinaya Ciidamada kala duwan ee hadh iyo habeen utaagan illaalinta nabad gelyada iyo difaaca qaranimada dalka.
Waxaan taa mid la mid ah u soo jeedinayaa wax-garadka, madax-dhaqameedka, Culimada, Dhalinyarada haweenka iyo dhammaan muwaadiniinta ku garab taagan gudashada xilkooda.”
Madaxweynuhu waxa uu shacabka u jeediyey ballan-qaad ku aaddan ilaalinta qaranimadooda, halka uu isagun u ballan-qaaday hoggaamin ku salaysan Horumarka iyo Dhawrista Xuuqda, waxaanu yidhi, “Waxaan ugu baaqaya Shacabka reer Somaliland inay isu taagaan dib u dhiska iyo horumarka dalkooda, inay dhexda u xidhaan una midoobaan ka difaaca gobanimadooda, cadawga gudaha iyo ka Dibeda.
Waxaan ugu baaqayaa inay dhawrtaan sharaftooda, gobanimadooda, dhaqankooda iyo diintooda, marxalad kasta oo ka hortimaadana ay kaga gudbaan wadajir iyo midnimo.
Waxaan ballan-qaadayaa inaan dalkayga iyo dadkayga ku hogaamiyo dariiqa horumarka, dhawrista xuquuqda, amniga, difaaca Qaranka iyo qabyo tirka madax-banaanida dalka Insha Allahu.”
Md Axmed-Siilaanyo waxa uu Shacbiga iyo dalka Eebbe uga baryey inay nabad-qabad, horumar, Midnimo iyo Ictiraaf ku gaadhaan munaasibaddan Teeda Kale.
Munaasibaddii ugu Miisaanka Cusleyd oo Gobollada Dalka iyo Caalamkaba si weyn loogu Xusay 22-guuradda Qaranimada Somaliland (SAWIRRO)
Tweet
Hargeysa, 19 May, 2013 (Ogaal)- Maalintii shalay waxay u ahayd guud ahaan Somaliland, maalin farxadeed, waxaana magaalooyinka iyo deegaanada dalka ka socday damaashaadka xuska sanad guuraddii 22aad ee maalinta qaranimada Somaliland, taas oo sanad kasta bisha May 18 keeda si Mug leh looga dabbaal-dego Somaliland gudaheeda iyo Debeddeeda.
shacabka Somaliland ayaa meelo cayiman isugu yimid , si ay u dhagaystaan odhaahda masuuliyiintoodu ugu tallo galleen xuska maalinta qiimaha ku leh, waxaanay u dhaceen dabaal-degyaddii magaalooyinka iyo tuulooyinka dalku sidan:-
Hargeysa: Magaalada Hargeysa  kooxo dhalinayaro ah ayaa sii bilaabay damaashaadka  munaasibada 18-ka May oo ay sugayeen tan iyo markii xukuumadda Somaliland iclaamisay bil ka hor in xuska munaasibadaa la weynayn doono, iyadoo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u saartay guddi qaban qaabo oo Heer Qaran ah.
Shalay subaxnimadii hore ayaa shaaracyada iyo waddooyinka waaweyn oo laga xayiray gaadiidka, waxa soo buuxiyay kumanaan qof oo lulaya astaamo u badan calanka Somaliland, halka wiilasha iyo hablaha dhalinyarada qaar badan oo ka mid ahi jidhkooda ku xardheen astaanta qaranka ee Calanka Jamhuuriyadda Somaliland ee laba iyo labaatan jirsatay.
Kumanaan kale oo ka mid ah Bulshada ayaa sitay Boodhadh iyo Istiikaro ay ku qoran yihiin Halku dhegyo ay ku muujinayaan dareenkooda, shucuurtooda iyo sida ay ugu hanweyn yihiin xuska maalintan iyo jiritaanka qaranimidooda, iyadoo wejiyadooda laga dareemayey farxadda iyo damaashaadka munaasibada.
Ciidamada Ammaanka ayaa si weyn u ilaalinayay dhaq-dhaqaaqa, geeddi-socodka iyo habsami-u-socodka munasibadda, iyada oo heegan la geliyay 48 saacadood ka hor dabbaal-deggii shalay si loo sugo’ ammaanka Qaranka Somaliland oo dunidu ku tilmaanto goob nabdoon oo ku taala gobol colaado iyo qalalaase siyaasadeed hadheeyeen.
Waxaana ciidmada kala duwan ee qaranka, wasaaraddaha, shaqaalaha hay’adaha ee Qaranka, Ururrada bulshada iyo Ganacatadu intooda badani socod ku mareen waddada Wadnaha Caasimadda oo si weyn loo qurxiyay Laba Kilmotir, taas oo hawsheedu socotay dhawrkii maalmood ee u danbeeyay, isla markaana la dhigay Laami cusub.
Madaxweynaha Somaliland ayaa dadka u jeediyay khudbad dheer oo uu kaga waramay marxaladihii ay soo martay Somaliland tan iyo markii ay gobonimadeeda ka qaadatay Mustacmaradii Boqortooyadii Britain 1960, balse ay la midawday Koonfurtii Somalia ee Talyaanigu gumaystay.
Dhinaca kale magaalooyinka Somaliland ayaa si weyn looga xusay munaasibada xuska 18 May, waxaana dadweynaha kala qaybgalay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland.
Burco:Kumanaan u badan Haween iyo dhalinyaro ku lebisan Calanka Somaliland ee tawxiidku ku xardhan yahay, iyadoo munaasabada xuska ee maanta ka qabsoontay magaalada Burco ay ahayd mid ka duwan xusaskii hore,  marka loo eego qaabka loo agaasimay oo ahaa mid  aad u balaadhan oo ay si weyen uga dhex muuqdeen ciidamada kala duwan, sida Boooliska, Ciidanka qaranka, Asluubta, kooxda Baamboyda, Ardayda Dugsiyada iyo shacbi weynaha kala duwan ee magaalada Burco, kuwaas  oo socod kusoo maray wadooyinka waaweyn ee Magaalada Burco.
Socod dheer oo ay sameeyeen qaybahani kala duwan ee bulshadu waxay aakhirki isugu soo urureen garoonka diyaaradaha ee magaalada Burco oo iyadu ahayd goobta loo asteeyay in masuuliyiinta ka socota xukuumadu ay halkaasi kala hadasho bulshada reer Burco.
Waxaana shalay kala qaybgalay bulshada reer Togdheer, Wasiirada arimaha Gudaha, Maxamed Nuur Caraale Duur, Arimaha Dibedda, Maxamed Cabdilaahi Cumar, Duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo waliba sadex xildhibaan oo ka tirsan golaha Guurtiada Somaliland.
Wasiirka arimaha gudaha, Maxamed Nuur Caraale Duur oo Ugu Horaynba Halkaasi ka hadlay ayaa ugu hambalyeeyay shacbiga Somaliland waxaanu ku dheeraday adkaynta nabadgalyada iyo arimo kale oo muhiima, waxaanu yidhi, “Walaalayaal waxaa Maanta Noo Sharaf ah in halkii lagu aas-aasay iyo goobtii lagu dhisay iyo halkii lagaga dhawaaqay 18 May inaanu maanta ku suganahay oo magaalada Burco ah, waxaan u hanbalyaynayaa shacabka reer Burco sida balaadhan ee ay isugu soo baxeen iyo sida balaadhan ee ay u Muujiyeen Cududooda iyo sida baaxada wayn ee maalinta qaranimadooda ugu dabaaldagayaan. waxaanan sidoo kale iyana halkan hanbalyo uga dirayaa Qurba-jooga Somaliland ee sida weyn uga qayb qaata horumarinta dalka.”
Waxa kale oo isna halkaasi Ka Hadlay Wasiirka Arimaha dibeda Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar waxaanu yidhi, “Maalintani waxay Xanbaarsan tahay Taariikh gaara oo muhiima oo aad looga hadlay, waana maalin qiimo ku leh taariikhda Somaliland, oo muujinaysa gobonimo, madax-banaani iyo qaranimo, ay shacbiga Somaliland goosteen oo ay go’aan ku qaateen inay dib u dhistaan qarankoodi,i waxaan halkan ka cadaynayaa himiladii qaranku lahaa ee aan noqono dal madax-banaan inay cadaatay, oo dalkan iyo dadkiisa ay u hirgashay, maanta aan nahay qaran buuxa.”
Wasiirka Duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa isaguna halkaas ka haday waxaana ka mid ahaa hadaladiisii.“Somaliland Waa Qaran Gaamuray, oo maanta aan looga baqaynin inuu liico, ilaahay idinkii mooyaane waa qaran taaba qaaday, waa qaran tis qaaday, waxaana qaranimadeena muujinaya labada erey ee ah 22 sanno”.
Ceerigaabo: Dadweyne Aad u badan oo ku gaashaan astaanta Calanka Somaliland, ayaa shalay isugu soo baxay Kheyriyada magaalada Ceerigaabo, waxaana dadweynaha halkaas kala hadlay Wasiiro xukuumadda ka socday oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Dhalinyarada Md Cali Siciid Raygal, Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga Md Aadan Diiriye Cigaal, maayarka magaalada Ceerigaabo iyo masuuliyiin kale.
Berbera: Caasimadda gobolka Saaxil, ayaa sannadkan dabbaal-deggii ugu ballaadhnaa ee xuska 18-ka May lagu qabtay Shalay, iyada oo shaaracyada iyo Kheriyada magaaladaas ay isugu soo urureen dadweyne sita astaanka Calanka Somaliland oo qarkood u ahaa hu’ ay xidhan yihiin. Maamulka gobolka Saaxil, Kan Degmada iyo maamulka Dekedda magaalada Berbera oo ay weheliyaan masuuliyiin dawladda ka tirsan, ayaa dadweynihii dabbaal-degga isugu soo baxay kala hadlay fagaaraha kheyriyada ee magaalada, waxaanay dhammaantood ka hadlay qiimaha maalintani Qaranimada ugu fadhido.
Laascaanood: Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, ayaa si weyn loo xusay munaasibadda 22 guurada Qaranimada Somaliland, iyada oo xuska maalintan lagu qabtay xarunta maamulka ee gobolka, waxaana dadweyne ku gaashaaman calanka Somaliland oo dhalinyaro iyo haween u badan munaasibadda kala qayb-galay masuuliyiin uu ka mid yahya Wasiirka Hawlaha Guud Axmed Cabdi Xaabsade, maamulka gobolka iyo Degmada.
Wasiir Xaabsade oo halkaas ka hadlay, ayaa shacabka ku booriyey inay ilaashadaan nabad-gelyadooda oo ku sifeeyey mid noloshooda iyo mustaqbalka dhalinyaradoodu ku xidhan tahay, isaga oo dhanka kale taabtay muhiimadda xuska maalintan laga leeyahay oo ku tilmaamay inay astaan u tahay xornimo kala soo noqoshadii ay Somaliland dib ugala soo laabtay Soomaaliya.
Borama: Magaalada Borama ee caasimada gobolka Awdal ayaa iyadu si weyn uga duwanayd marka loo eego xusaskii sanadihii hore ee munaasibadan, isla markaana uu ka muuqday abaabul si weyn ay shacbiga Boorama ugu waajaheen farxad iyo damaashaad sanad guurada 22aad ee xuska  18 May oo ah maalinta ay Somaliland qaranimadeeda lasoo noqotay 22 sano ka hor.
Lughaya: Munaasabad Balaadhan Oo Loogu Dabaal Dagay 18 May ayaa ka dhacday magaalada Lughaya, Iyada oo ay ahayd waqti kulul ayaa hadana waxa ay dadka reer Lughayaad isugu soo baxeen si wayn, iyaga oo ka qayb qaatay munaasabada xuska 18 May. Munaasabada oo dadkii isugu soo baxay , ay la haleen masuuliyiin uu kamid yahay, maayarka Lughaya Mud. Cabdilaahi Cali Aw nuur Dixood.
Munaasibadda Xuska 18-ka May waxa kale oo shalay siyaabo kala duwan looga xusay degmooyinka ay ka mid yihiin Berbera, Balli-gubadle, Gabiley, Caynaba, Oog, Baki, Wajaale, Oodweyne, Sheekh, Ceel-Afweyn, Badhan iyo Qaar kale oo badan, kuwaas oo dhammaantood dadweynuhu ka sinnaayeen muujinta Astaanka Qaranka ee Calanka Somaliland.
Waxa kale oo shalay munaasibadda 18-ka May xuskeeda si weyn uga qayb-qaatay Qurbejoogta Somaliland ee ku sugan waddamada Caalamka, gaar ahaan Yurub iyo Bariga Dhexe halka Woqooyiga Ameerikaa xalay si weyn looga xusay, waxaana jaaliyadaha badankooda xuska maalintan kala qayb-qaatay masuuliyiin Xukuumadda Somaliland ka socda oo todobaaddadii u dambeeyey Socdaallo ugu baxayey waddamadaas, kuwaas oo uu ugu miisaan culus yahay Wefti uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil oo qurbejogga Somaliland ee UK kala qayb-qaatay munaasibad shalay lagu qabtay garoon-kubbadeed weyn oo ku yaala Bariga magaalada London.
Si kastaba ha ahaatee xuska munaasibada sanad guurada 22aad ee 18 May waxa ay ahayd mid si weyn loo qiimeeyay sanadkan, waxayna kusoo beegantay xili ay 22 sano ka dib Somaliland wadahadal la gashay dawlada laga dhisay Somalia, isla markaana ka qaybgashay markii ugu horaysay tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay lasoo noqotay gobonimadeeda 1991 inay madal isku soo horfadhiistaan madaxda dawlada Somalia ee waqtigan oo aan waxba ka duwanayn madaxdii ay beesha caalamku hore ugu guuldaraysatay ee loo samayn jiray Somalia, kuwaas oo aan cago adag ku taagnayn, isla markaana ciidamada AMISOM dalad u yihiin.
Shirkadda Isgaadhsiinta ee SOMTEL oo Kaalintii ugu Ballaadhnayd ka Qaadatay Baahinta tooska ah ee Munaasibaddii 18-ka May
Tweet
Hargeysa, 19 May, 2013 (Ogaal)- Shirkadda waddaniga ah ee dhinaca isgaadhsiinta casriga ah SOMTEL, ayaa kaalintii ugu ballaadhnayd ka qaadatay baahinta tooska ah ee dabbaaldegyada xuska sannad-guurada 22-aad maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May oo telefishannada waaweyn ee dalku si toos ah u tabinayeen munaasibadaha iyo khudbadaha laga jeediyey.
Shirkadda SOMTEL ayaa awoodeedda baahineed ee adeegga internetka ku suurtogelisay in telefishannada kala ah; Qaranka (SLNTV), HCTV, Space Channel, Bulsho tv iyo shaashadaha shirkadda Milgo Digital ay si toos ah u baahiyaan munaasibaddihii xuska 18-ka May ee shalay iyo xalayba ka kala qabsoomay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, taas oo keentay in shacabka Somaliland ee ku kala nool daafaha dunidu si fudud ula socdaan hawlaha dabbaaldegyada maalinta qaranimada dalkooda.
Telefishannada waawayn ee Qaranka iyo HCTV oo adduunka oo dhan laga daawado, telefishanka Space Channel oo ku kooban gudaha Hargeysa iyo weliba shaahadadaha waaweyn shirkadda Milgo Digital ku leedahay suuqyada caasimadda, ayaa dhammaantood iyagoo adeegsanaya internetka shirkadda SOMTEL si toos ah u tabinayey munaasibaddihii 18-ka May ee shalay ka dhacay magaalada Hargeysa iyo xafladdii xalay lagu qabtay xarunta Madaxtooyada, halka telefishanka Qaranku isagu uu sidoo kale baahinayey xafladdii shalay ee magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Sidoo kalena, telefishanka Bulsho Tv oo isna laga daawado Hargeysa gudaheeda ayaa si la mid ah telefishannadaasi kale xalay si toos u baahiyey munaasibadda maalinta qaranimada Somaliland oo ka dhacday qasriga Madaxtooyada.
Madaxa Waaxda Iibka iyo Suuqgeynta shirkadda SOMTEL Mr. Iid Muuse Muxumed ayaa ka warramay adeegga shirkaddoodu kaga qaybqaatay munaasibadda 18-ka May iyo ujeeddada ay ka lahaayeen, waxaannu yidhi, “Shirkadda SOMTEL iyadoo awoodeeda dhinaca baahinta, gaar ahaan internetka ka faa’iidaynaysa waxaannu u fududaynay shacabka Somaliland inay si toos ah ula socdaan munaasibadda 18-ka May ee ka dhacay shalay iyo xalay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco oo ay u baahinayeen telefishannada kala ah Qaranka Somaliland, HCTV, Space Channel, Bulsho Tv iyo shaadahadaha waaweyn ee shirkadda Milgo Digital ku leedahay Hargeysa, kuwaas oo si qurux badan oo aan googo’ lahayn u tabinayey xafladihii gelinkii hore iyo xafladdii xalay ee Madaxtooyadaba.”
Waxa kale oo uu sheegay in aanay ahayn markii u horreysay ee shirkadda SOMTEL si toos ah u baahiso hawlo ka socda Somaliland, balse ay hore u tabisay ciyaarihii gobollada Somaliland ee sannadkii 2012 ka lagu qabtay magaalada Burco, isla markaana iminkana ay u diyaargaroobeen inay sidaas oo kale u soo gudbiyaan ciyaaraha gobollada dhawaan laga filayo inay ka furmaan Hargeysa.
Dhinaca kale madaxda qaar ka mid ah telefishannada tooska u baahiyey munaasibadaha 18-ka May ee dalka gudihiisa iyagoo kaashanaya shirkadda SOMTEL, ayaa ka hadlay dareenkooda arrintan iyo faa’iidada ay leedahayba.
Maareeyaha Telefishanka Qaranka Somaliland Mr. Khadar Xasan Cali Gaas, ayaa ku tilmaamay baahinta tooska ah ee 18-kii May mid faa’iido ballaadhan u leh dalka iyo shacabkaba, isagoo uga mahadceliyey shirkadda SOMTEL.
“Baahintan munaasibaddaha 18-ka May waxay muhiimad u leedahay in dadka dibadda ku nooli ay si toos ah ula socdaan waxyaabaha dalkooda ka socda isla waqtiga ay dhacayaan, waxay u fududaynaysaa dadka waawayn iyo kuwa shaqaynaya ee mashquulka ah ee aan awoodi karin inay tagaan goobaha munaasibadduhu ka dhacayaan ay guryaha ama meelaha ay joogaan ku daawadaan. Waxa kale oo ay kor u qaadaysaa waddaniyadda iyo in shacabku sii jeclaado dalkoodu.”
“Markaa telefishanka Qaranka ahaan in aannu si toos ah u baahinno munaasibaddihii 18-ka May, iyadoo ay noo sahashay shirkadda SOMTEL oo aannu aad ugu mahadcelinayno iyo weliba annagoo soo iibsanay qalab cusub oo lacag qaali ah aannu siisnay,” ayuu yidhi Maareeyaha telefishanka Qaranka Somaliland.
Sidoo kale, Agaasimaha guud ee telefishanka madaxabannaan ee HCTV Mr. Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) oo isna ka hadlay tebinta tooska ah ee ay iska kaashadeen telefishankooda iyo shirkadda SOMTEL, waxaannu yidhi “HCTV waxa uu munaasibadda 18-ka May si toos ah u baahinayey iyadoo ay noo suurtogelisay shirkadda SOMTEL, waxaanay arrintani fududaysay in shacabka Somaliland ee ku kala nool daafaha dunidu ay toos u daawadaan dabbaaldegga dalkooda ka socda. Waxaannuna aad iyo aad ugu mahadcelinaynaa shirkadda SOMTEL.”
“Waa markii saddexaad ee telefishanka HCTV iyo SOMTEL si wadajir ah toos u baahiyaan dhacdooyin kala duwan, iyadoo tebintii tooska ahayd ee u horreysay ee telefishan gaar loo leeyahay oo af-soomaali ku hadlaa ka sameeyo dhulka Soomaalidu degto uu sameeyey HCTV sannadkii 2010-ka munaasibaddii 18-ka May, waxaanna waqtigaasi noo fududaysay shirkadda SOMTEL,” ayuu yidhi Mr. Agaasime Maxamed Ilig.
Ugu dambayn Mr. Mustafe Cismaan Geelle oo u hadlay Milgo Digital oo ka mid ah shirkadaha OGF Group, ayaa sheegay in horumarka tiknoolajiga laga gaadhay sababay tebinta tooska ah oo shirkaddoodu ugu fududaysay shacabka ku sugan suuqyada caasimadda Hargeysa.
“Waantan magaalada Hargeysa aad u ballaadhatay, xafladaha waawayn ee noocan 18-ka May oo kale ah suurtogal noqonmayso in cid waliba tagto meesha ay ka socdaan, sidaa darteed si aannu ugu fududayno shacabka jooga suuqyada caasimadda la socodka munaasibaddihii maalinta qaranimada Somaliland tii maalinimadii dhacday (shalay) iyo tii Madaxtooyada ayaanu toddoba shaashadood oo waaweyn oo ku kala yaal meelo kala duwan magaalada ah si toos ah uga tabinay, annagoo kaashanayna shirkadda SOMTEL oo qaab internet ah noogu soo gudbinaysay muuqaalka xafladahaasi.
Markaa waa horumarka la gaadhay xagga farsamada iyo tiknoolajiga casriga ah, waxaannuna jecelnahay in aannu sii wado oo kolba wixii danta shacabka ah soo gudbinno,” ayuu hadalkiisa ku soo gunnaanaday Mr. Mustafe Cismaan Geelle.
Indha-Deero Group oo si wayn uga qayb-Qaadatey Xuska Dabaal-Degga 22-Guuradda Qaranimada Somaliland
Tweet
Hargeysa, 19 May, 2013 (Ogaal)- Shirkadda Wadaniga ah ee Indha-deero Group, ayaa shalay wacdaro ka muujiyay xuska dabaaldega 22-guurada ka soo wareegtay Dib u-hanashadaMadax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-kii May.
Shirkada ganacsiga ee Indha-deero group waxay dabaaldegii xuska 18 May ka dhacay waddada wadanaha ee Caasimada Hargeysa Shaqaalaheeda iyo Hawl-wadeenadeedu ku soo bandhigeen Adeegyadda iyo alaabta ay soo saarto Shirkadaasi, taas oo ay si wayn ula dhaceen dadwaynihii u soo baxay daawashadda dabaal-dega xuska 18-ka May oo ay shalay halkaas iyaguna wacdaro ku soo bandhigeen Ciidamadd kala duwan ee Qaranka oo gaadda ka ciyaar ku marey, isla markaana ardayda jaamacadaha iyo dugsiyada iyo shirkadaha ganacsiga ay iyaguna ku soo bandhigeen waxyaabo kala duwan.
Sidoo kale Shaqaalaha iyo Hawl-wadeenadda iyo Maamulka shirkadda Indha-deero Group ayaa iyagu noqday shirkadii ugu abaabulka fiicnayd shirkadihii dabaal-degaa shalay ee 18-ka May adeegyadooda ku soo bandhigay.
Shirkadda Wadaniga ah ee Indho-deero Group ayaa waxay halkaasi ka muujisay waxyaalo xiiso leh oo soo jiitay indhaha shacbiga Somaliland ee daawanayay dabaaldegaas xuska 18 May oo isagu ka qabsoomay Barxada ka horaysa Qasriga Madaxtooyadda S/land, iyadoo ay dadweynuhu aad ugu bogeen shirkadda Indha-deero Group arrimaha xiisaha leh ee ay ku soo bandhigeen munaasbada xuska, taas oo noqonaysa Taariikh xiiso leh oo shirkada indha-deero diiwaanka u gashay, islamarkaana lagu xasuusan doono sida ay bulshadda Somaliland ugala qayb-qaadatay xuska maalinta Qaranimadooda.
Dhinaca kale Shirkadda Wadaniga ah ee Indha-deero Group Company ayaa Dhambaal Hambalyo ah u dirtay guud ahaan Shacbiga Somaliland  gudo iyo debad-ba, kuna Bogaadisay Xuska sanad guuradda 22-aad ee Maalinta Qaranimada Somaliland ee 18-ka May 2013 ee maalintii shalay loo dabaal-dagay, taas oo Xaflado  lagu waynaynayo laga sameeyey guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka iyo dalal badan oo Dunida ka mid ah oo ay ka mid yihiin Maraykanka, Canada, Ingiriiska, Sweden, Denmark iyo dalal kale oo  badan.
Shirkadda ganacsiga ee Indha-deero Group Company waxa ay guud ahaan bulshadda Somaliland ugu baaqday inay Ilaashadaan Nabadgalyadooda iyo Kala danbaytooda, isla markaana ay meel uga soo wada jeedsadaan waxkasta oo Xagal-daacin kara  Qaranimadda Jamhuriyada Somaliland, waxaanay Shacbiga Ilaahay uga rajaysay inuu sanadkaas sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo iyo in Alle ugu wado Nabadgalyada iyo Horumarka ay hiigsanayaan.
Waxaana sidaas lagu sheegay War-saxaafadeed shirkadda Indho-deero Group soo saartay oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Ogaal, kaas oo ku saxeexnaa Maareeyaha guud ee shirkadda Indho-deero Group  Md Aadan Xaaji Yuusuf Cabdi, isaga oo dhamaystirana waxa uu u dhignaa sidan: “Shirkadda Indha-deero Group Compuny Waxay dhambaal hambalyo ah u diraysaa guud ahaan Bulshadda Somaliland ee ku dhaqan gobolada kala duwan ee dalka iyo dalka dibadiisaba, kuwaas oo aanu ku Bogaadinayno Xuska Munaasibadda 22 guuradda ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada Madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee ku beegnayd shalay Sabtidiii oo bishu ahayd 18-ka bisha May 2013.
Shirkadda Indho-deero Group waxay Shacbiga Somaliland ee Nabadgalyada Jecel ku boorinaysaa inay ilaashadaan Nabadgalyadooda, isla markaana ay dhinac uga soo wada jeedsadaan waxkasta oo dhaawaci kara Kala-danbaynta dalkooda.
Sidoo kale Shirkadda Group Company waxa ay shacbiga Somaliland Ilaahay uga rajaynaysaa inuu maalinta Shucuubtooda qaaliga ku ah maalinteeda uu ku gaadhsiiyo bashbash iyo barwaaqo iyo inay gaadhaan Himiladooda ah inay dal Madaxbanaan oo dunida ka mid ah Alle ku simo.
Ugu danbayn waxay Maamulka, Shaqaalaha iyo Hawl-wadeenadda Shirkadda Waddaniga ah ee Indho-deero Group waxay bogaadin u dirayaan, dhamaan shacbiga Somaliland ee dalka gudihiisa iyo dibadiisa ku nool iyo cidkasta oo jecel horumarka iyo Nabad-galyada cagaha adag ku taagan ee ka jirta Somaliland, waxaanay Madaxda Shirkaddu cadaynayaan inay si wayn Shacbiga ugala shaqayn-doonaan, horena ugala shaqayn jireen horumarka iyo himilada dadaalka ku dhisan ee ay bulshaddani ku soo dhaqmaysay 22-kii sano ee ay jirtay”.
Madaxweynaha Somaliland oo Beesha Caalamka kula Garnaqsaday Iska-indho tirka Qadiyadda JSL iyo Sheegashada Midnimada Soomaaliya
Tweet
Hargeysa, 19 May, 2013 (Ogaal)- Iyada oo ay shalay ku beegneyd xuska 22-guurada ka soo wareegtay dib-u-hanashadii Madax-bannaanida Somaliland, ayaa madaxweyne Siilaanyo oo munaasibad loo qabtay Xuskan ka jeediyey khudbad Arrimo kala duwan Xambaarsan, waxa uu gar-naqsi qadiyadda Somaliland ku aaddan u jeediyey Beesha Caalamka.
Madaxweynuhu waxa uu madax-bannaanida iyo Qadiyadda Somaliland ku tilmaamay Xaqiiqo aanay Beesha Caalamku iska indho-tirin jiritaankeeda oo uu sheegay inay sida bulshooyinka kale ee Caalamka ay xaq u leedahay aayo-ka-tashigeeda.
Madaxweynaha oo hadlaya doorka beesha caalamka uga bannaan taageerada qadiyadda Somaliland, waxa uu yidhi, “Beesha caalamka waxaan leeyahay, dadkaygu waxay u tashadeen aayahooda, dalkaygu wuxuu lasoo noqday Madax-banaanidiisi iyo Qaranimadiisii, Somaliland waa xaqiiqo jirta, sax iyo xaq toonana maaha in beesha caalamku iska indho iyo dhago tirto xaqiiqdaa aan hummaaga lahayn.”
“Bulshada Somaliland waxay xaq u leedahay “Self Determination” sida Bulshada Caalamka intiisa kale. Dalkani maaha wax xalay dhashay, wuxuu leeyahay taariikh, waxaa dadkiisii u soo galeen halgan dheer, dedaal-kaas oo ay ku hanti-yeen gobanimadii 1960-kii, gumaystihii dalkooda kaga kiciyey gacmahooda iyagoo Rabi-good la kaashanaya.”
Md Siilaanyo waxa uu dul-maray sooyaalka taariikheed iyo dedaallada loo soo maray hanashada xornimada Somaliland, waxaanu tilmaamay inaanay midnimada Somaliyeed ahayn wax cusub balse Somaliland horseed ka ahayd baadi-doonkeeda ka hor intii laysku darsan midowgii lagu hungoobay, isaga oo dhanka kale ka hadlay fal-celinta shacabka Somaliland kaga jawaabeen saamayntii kaga timi midnimadii ay horseedka u ahaayeen oo dhaxal-siisay duudsi iyo dheelli-tirnaan la’aan lagu maamulayey nidaamkii lagu midoobay, waxaanu yidhi, “Midnimada maanta la hadal hayo, dadkanaa horseed u ahaa iyadoo ay niyad wanaag iyo walaalnimo qalbigooda ka buuxdo. Nasiib daro, maalintii la is raacay shan maalmood dabadeedba Midnimadii waa lagu hungoobay, waxaanay ahayd 5tii July markii uu Yusuf Ismaaciil Samatar Gaandhi Khudbad uu jeediyey daboolka kaga qaaday xaqiiqdii Jirtay in ahayd in is-raacii aanu u dhicin sidii laga filayey  Midnimadiina lagu Hungoobay!
Waxay ahayd dhacdo aan la dafiri karin in Dastuurkii laysku raaci lahaa ee Somaliland iyo Somalia ku midoobi lahaayeen dadkii Reer Somaliland ay 90% ugu codeeyeen Maya “NO”, iyagoo Diidmo qayaxan kala hor yimid, balse nasiib daro dhagahaa laga furaystay, taasi waxay dhaxalsiisay inqilaabkii dhalinyaradii Saraakiisha ahaa ee reer Somaliland ay Xilligaas sameeyeen. Kaas oo bannaanka soo dhigay tabashadii iyo dareenkii reer Somaliland.
Gilgilashadaasi ismay taagin ee waxaa ku xigay Mudaharaadkii Macalimiinta ee loo yaqaanay ‘Bakayle-qalad’ iyo is-casilaadii Wasiiradii reer Somaliland ee Xilka ka hayey xukuumadii Muqdisho.”
Madaxweynuhu waxa uu tafaasiil ka bixiyey dhibaatooyinkii ka dhashay midowgii Somalia ee shacabka Somaliland dhaxal-siiyey inay si gaar ah aayahooda uga tashadaan.  “Waxaanay ahayd Nasiib-darro in aan la tix-galin dareenkaa ee sida imikaba caadada u ah Somalia in dad Suuqa jooga oo aan metelin Bulshada Lagu Buuxsado kuraasta, waxay ahayd quustii ay dadka reer Somaliland israacii kaga talax-gabeen.
Muddo yar ka dib, waxaa bilaabmay qalalaasihii iyo afgembigii dawladii digteetarka ahayd, cid dambana talo lama waydiin, waxaana lagu war helay iyadoo dadka la isku xidh-xidhay laguna xasuuqay JAZIIRA, ganacsatadii qoorta laysugu dabay oo la dhigay Burco, Malko Durduro, Kal-sheekh iyo goobo badan oo aan tiro lagu soo koobi karin.
Waxay ahayd nabar xanuun badan iyo wax naxdin leh oo aan la ilaawi karin diyaaradiihii Hargeysa ka kacayey ee duqaynayey maatadii Hargeysa ay ka baro kiciyeen ilaa intii ay dhaafeyeen xuduudka Ethiopia.”
Waxa uu baaq u jeediyey hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ee wakhtigan hungurigu ka hayo midow mar kale dhexmaray gobolladii ku midoobay magaca Jamhuuriyaddii Soomaaliya, “Waxaan leeyahay madaxda Bulshada Somalia hindisaha Midnimada anagaa keenay nalama khasbin Shalay annagaa Somalinimada dan moodaynay ee waa nala nacsiiyey, anagaa bilaa shuruud iyo is aamin ku tagnay, waa nalagu kalifay in aan idinka aamin baxno, waanu soo tijaabinay Midnimada Kalsooni dambe naguma hadhin diyaarna uma nihin riyadii beenowday ee 5tii  Somaliyeed,” ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo, waxaanu intaas ku daray, “Wax kastoo ay nagu kalifto Madaxbanaanida iyo Qaranimada Somaliland waa lama taabtaan Go’aanka bulshaday ku timi, gummaca mujaahidkay ku dhalatay, gargaarka Eebbey ku dhisan tahay.”
Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu hadalkiisa sii raaciyey, “Haddaba walaalayaal midnimo hadhay oo 5 Somaliyeed soo noqon mayso ee yaynaan walaalnimada seegin, Somalida Djibouti waa Dawlad Ilahayna haw Barakeeyo Dawladnimadooda, Soomalida Kenya Dawladooda wax ha la qabsadaan Ilaahayna ha isu barakeeyo, Soomalida Ethopia  Dawladooda wax ha la qaybsadaan Illahayna ha isu barakeeyo. Somaalilandna halkeeda Alle ha u barakeeyo, dhammaanteen walaalo iskaashada aan ahaano sida walaalaha carbeed.”
Dhanka kale, madaxweyne Siilaanyo oo todobaadkan magaalada Hargeysa ugu warramay wariye ka tirsan Telefishanka Al-Jazeera, waxa uu ka hadlay go’aanka madax-bannaanida Somaliland. “Haddii ay noqoto kahadalka Madaxbannaanidayada, aniga maaha ciidda go’aankeeda leh, Dawladdayduna may go’aamin, waa go’aan ku fadhiya rabitaanka Shacbiga iyo Taariikhda Somaliland oo tilmaamaysa inaanu nahay Waddan hore u jiray.”
Khudbadda Madaxweyne Siilaanyo shalay ka jeediyey munaasibadda 22-guurada ka soo wareegtay dib-u hanashadii madax-bannaanida Somaliland oo ku beegnayd 18 May, 2013, ayaa noqonaysa markii u horreysay ee uu si miisaan leh uga hadlo dhawaaqyada ka soo yeedhay madaxda Soomaaliya iyo Qadiyadda Somaliland ee ku salaysan Go’aanka Shacbiga.
Wasiirkii Hore ee Duulista Hawada oo Iftiimiyey Aragtidiisa iyo Waayo-aragnimadiisa ku wejahan Go’aanka Xukuumaddu Ku Mamnuucday Duulimaadyada Qaramada Midoobay
Tweet
Hargeysa, 15 May, 2013 (Ogaal)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Duulista Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa si adag uga Hadley go’aanka Qaramada Midoobay maamulka Hawada Sare ee dalweynihii laysku odhan jiray Somaliya ugu wareejisay Xukuumadda magaalada Muqdisho.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Duulista ee Xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale, Cali Maxamed Waran-cadde, waxa uu dhanka kale go’aan geesinimo ah ku tilmaamay tallaabada xukuumadda Somaliland ku mamnuucay duullimaadyada diyaaradaha QM ee Madaarada dalka, isaga oo ku dooday inaanay habooneyn in la aqoonsado Cid kasta oo inkiraysa Mawqifka Madax-bannaanida Somaliland.
Haldoor Cali Waran-cadde oo Wargeyska Ogaal weydiiyey Aragtidiisa ku aaddan go’aanka xukuumaddu ku mamnuucday duullimaadyada diyaaradaha Qaramada Midoobay, waxa uu ku jawaabay, “Haddii Qaramada midowbay jiritaankeena aqoonsanayn oo ay ka war-wareegaan, iyaguna xaq inooguma laha inaynu aqoonsano. Markaa arrintu waxa weeye arrin ku haboon, haddii fasaxa laga qaadan waayo oo ay waydiisan wayaan Somaliland inay yimadaan maaha wixii Soomaaliya ku socda. Haddii aynu nahay Reer Somaliland taas ayaynu daw u leenahay.”
Cali Maxamed Waran-cadde
Cali Waran-cadde oo aanu weydiinnay in go’aanka Xukuumaddu suurto-gal ka dhigi karto in hay’adaha Qaramada Midoobay Xafiisyadooda ula wareegaan magaalada Muqdisho, waxa uu sheegay, “Qaramada Midoobay iyaga ayaa dan inaga leh oo ay dantoodii ku xidhan tahay Somaliland, markaa iyaga wax ka xumaada mooyee inaga waxba inaga xumaan mayaan. Runtii maanta siyaasada Caalamka ka jirta waa la is ku danaystaa, markaa danaha inaga maanta inagaga xidhan iyo kuwa iyagu inaga leeyihiin labaduba way farabadan yihiin. Markaa anigu waxaan qabaa haddii aynu danaheena ku fara’adaygno inay qasab ku tahay inay wax inaga nalaqabsadaa,” ayuu ku jawaamay Cali Waran-cadde.
Dhanka kale, Cali Maxamed Warsan-cadde waxa uu go’aanka QM Soomaaliya ugu wareejisay maamulka hawada Sare ku tilmaamay mid meel-ka-dhac iyo Duudsi ku ah Karaamada iyo qadiyadda Madax-bannaanida Somaliland, waxaanu ku sifeeyey tallaabo qayb ka ah hagar-daamooyin lagu minjaxaabinayo Qaranimada Somaliland, isaga oo maamulka Muqdisho ku eedeeyey inay Daaha debediisa uga gacan-haadinayaan Madaxda Somaliland qaarkood si ay ukala shaki geliyaan Shacabka Somaliland.
Waran-cadde Arrintan ka hadlaya, waxa uu yidhi, “Warka shalay (dorraad) ay soo wada saareen Muumulka Muqdisho iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Duulimaadyada, wuxuu meel ka dhac ku yahay Go’aankii Ummadda Reer Somaliland ay ku gaadheen in ay dib ula soo noqdeen Madax-banaanidoodii luntay Lixdankii, iyo karaamada Qaranka Somaliland. Mana aha wax loo dulqaadan karo.
Arrintan iyo qaar kale oo badani waxay ka mid  yihiin hagar daamooyinka la doonayo in lagu mijaxaabiya Qaranimada Somaliland, arrimahan ay ku kaceen maamulka Muqdisho oo ay ka mid yihiin in ay Gidaarka dabadiisa uga gacan haadiyaan Madaxda Qaranka Somaliland qaarkood, oo aanu u aragno in ay doonayaan in ay shaki kala dhex dhigaan ummadda reer Somaliland,waxaanay arrimahani  keeni karaan in ay si dhaqsi ah  u soo nooleyso colaadii hore iyo kala fogaansho hor leh oo la dhex dhigo Ummadaha Deriska ah ee Reer Somaliland iyo Somaliya,” sidaas waxa uu ku sheegay Qoraal uu go’aanka QM kaga hadlay.
“Sidoo kale Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa waxaanu uga digaynaa in ay faragaliso ama ay gacan ka gaysato waxkasta oo ka dhan ah Karaamada, Haybadda iyo Qaranimnadda Somaliland. Waxaanu si cad ugu sheegaynaa in Taladda iyo xukunka Xuduudaha Somaliland, haddii ay tahay dhinacyadda, BADDA, BARIGA, IYO CIRKABA ay ka go’aan Qaranka Somaliland, cid kale oo amar ka bixin kartaana ayna jirin.
Talaabooyin kan iyo qaar kale oo badan oo ay hore isugu dayday Hay’adda Jimciyadda Quruumaha Midoobay u qaabilsan duulimaadku way ku guul dareysatay.
Maantana anagoo ku bogaadineyna Talaabada uu ka qaaday wasiirka duulista iyo Hawadda somaliland arrintan foosha xun ee ay ka muuqato eexda iyo cadaalad darradu, waxaanu fileynaa in maantana ku hungoobi doonaan qorshahoodan laab la kaca ah.”
Madaxweyne Siilaanyo oo Kulan Ballaadhan la Qaatay Maamulka iyo Ardayda Jaamacadaha Caasimadda iyo Nuxurka Khudbad uu ka Jeediyey Madasha Kulanka
Tweet
Hargeysa, 15 May, 2013 (Ogaal)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay kulan ballaadhan la qaatay Maamulka iyo arday ka kala socday shan jaamacadood oo ku yaala magaaladda Hargeysa.
Kulankaas oo nuxurkiisu ahaa xog-waraysi iyo dhiirigelin Ardayda lagu booriyey doorkooda kaga aaddan horumarka dalka, waxa madaxweynaha ku wehelinayey xubno ka tirsan xukuumaddiisa, kuwaas oo ay mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibeda, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Dhalinyarada cayaaraha iyo Dalxiiska, Wasiir ku xigeenka Wasaarada warfaafinta iyo masuuliyiin badan oo kale.
Kulanka waxa fursado u helay isla markaana ka hadlay Gudoomiyeyaasha Jaaamacadaha iyo Arday ka kala socotay Jaamacadaha kala ah Hargeysa University, Admas University, Golis University, Alfa University iyo New Generation.
Madaxweyne Siilaanyo oo halkaa khudbad dheer ka jeediyey, ayaa sheegay in beesha caalamka qaarkood ay doonayaan inay isku soo celiyaan Somaliland iyo Soomaaliya, waxase uu tilmaamay in ummaddani ay go’aansatay inay madax-banaanidooda la soo noqdaan.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in shacbiga Somaliland u midoobeen inay difaacaan qadiyadooda isla markaana ay si weyn u xusaan munaasibadda 22-guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-banaanida Somaliland.
“Waxa farxad aad iyo aad u weyn ii ah inaan ka soo qeyb galo xafladan qiimaha iyo qaayaha leh ee ay ardaydii jaamacadaha dalku iskugu yimaadeen ee sida sharafta iyo qiimaha leh la noogu marti-qaaday. Waxaanu aad ugu faraxsan nahay oo ku faanaynaa dhalinyarada jaamacadaha, macalimiintooda iyo maamulkooda. Waxaanu u aragnaa inay dhalinyarada jaamacaduhu yihiin mustaqbalkii dalka,” ayuu yidhi Madaxweynaha oo muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay ka soo qayb-galka xafladdaas. “Dhalinyaradu waa kuwii dalka xoreeyay, waa kuwii wax ka dhigay dalka, waana kuwii u halgamay. Inshaalaahu Tacaalaa inta hadhayna waa kuwa mustaqbalka xoriyadiisa keeni doona. Waa kuwa horumarkiisa keeni doona, waana kuwa madax-banaanidiisa daafici doona. Waana kuwa mustaqabalka ummadda hoggaamin doona inshaalaahu Tacaalaa,”ayuu sheegay Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
“Waxaynu u dabaal-degaynaa 22-guuradii ka soo wareegtay la soo noqoashada madax-banaanida Somaliland ee 18-ka May. Halgan aad u dheer oo ay ku baxeen naf iyo maalba ayaynu u soo hurnay si aynu dalkeena u xorayno. Illaa imika ictiraafkii aynu dunida ka rabnay maynu helin, laakiin dunidu way inala dhaqantaa oo way inala macaamishaa waxay inoo aragtaa qaran cagihiisa isku taagay. Dhibaatooyin kale oo aqoonsiga inaga hor taagan oo walaalaheena Soomaaliya ay sabab u yihiina way jirtaa, iyadoo dunidu indho kale wax ku eegayso. Balse waxay ku xidhan tahay ka midho dhalinta mustaqbalkeena iyo madax-banaanideena sida aynu iskugu xidhnaano, sidaynu u dagaal galno iyo sidaynu dalkeena u difaacano iyo sida aynu midnimadeena u muujino ayay ku xidhan tahay.”
Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay inuu ku kalsoon yahay in dhalinyarada jaamacadaha iyo bulsho weynta Somaliland-ba ay door weyn ka qaadan doonaan horumarinta dalka iyo difaaca qadiyadiisa.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu ardayda Jaamacadaha uga xog-waramay socdaaladii kala duwanaa ee dhawaan uu ku soo maray dalalka Turkiga, Ingiriiska, Maraykanka iyo Itoobiya, waxaanu tilmaamay in dhammaantood socdaaladaasi ay caalamka u bandhigayeen madax-banaanida Somaliland iyo sidii loo iib geyn lahaa qadiyadda Somaliland. “Waxaas oo socdaalka waxaanu u galaynay inaanu iib-geyno oo qadiyadeena gaadhsiino caalamka.dunida qaar badan baa inagu riixaysa oo doonaysa sidii ay iskugu noqon lahaayeen Somaliland iyo Soomaaliya.umaddanise halganka ay u soo mareen way ogtahay waxay ku tashatay oo goosatay inay la soo noqoto xoriyadeeda iyo madax-banaanideeda. Waxase ay ku xidhan tahay sida ay dhalinyaradeena iyo bulshadeenu iskugu xidhnaato si ay u noqoto qadiyad loo mideebo oo meel looga soo wada jeedsado,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaasi ku ladhay, “Waxaan 100% ku kalsoonahay in halgankaasi uu noqdo mid aan meel uga soo wada jeedno dhammaanteen, 22-guuradii ka soo wareegtay la soo noqoshada madax-banaanideena ayaa loo dabaal degayaa, waynu u soo wada bixi doonaa, dalka oo qudha looga dabaal degi maayo dhulka dadkeenu degan yahay oo dhan baa looga dabaal-degayaa wufuud badan baa ku maqan inay hawshaasi wax ka fuliso oo ay bulshada horkacdo oo ay hormuud ka noqoto,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Xisbiga WADDANI oo Masuuliyadda Dhacdadii Burco dusha ka saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha, Si adagna u difaacay Guddoomiyaha UCID
Tweet
Hargeysa, 15 May, 2013 (Ogaal)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dilalka Ciidamada Ammaanku u geystaan Shacabka, isla markaana Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku eedeeyey inuu ka dambeeyey dilkii iyo dhaawacii ciidamada RRU-du dorraad ka geysteen magaalada Burco, iyaga oo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku tilmaamay inay dawladnimada ka aaminsan tahay Cabudhinta iyo dilka Shacabka.
Afhayeenka Xisbiga Waddani Ibraahim Mahdi Buubaa oo uu weheliyo Cabdirashiid Maxamed Cali oo ka mid ah masuuliyiinta Sarsare ee Xisbiga oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa ay dhanka kale difaaceen kulanka Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID dalka Ingiriiska kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya iyo xubno ka mid ah golihiisa Wasiirrada.
Afhayeenka Waddani oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, waxa uu si adag cambaareeyey dhacdadii dorraad ay ciidamada RRU-du dilka iyo dhaawaca ugu geysteen shacabka magaalada Burco, gaar ahaan shaqaaqadii dorraad ka dhalatay mudaharaad ay sameeyey gaadiidka iska-rogoyinka oo ka biyo-diiddanaa go’aan dawladda Hoose kaga mamnuucday inay Ciidda ka gurtaan Dooxda Burco.
Ibrahim Mahdi oo arrimahan ka hadlayaa, waxa uu yidhi, “Sida aad la wada socotaan beryahan waxaa soo noq-noqday dilal baahsan oo dhammaan dalka oo dhan qaybihiisa kala duwan ka dhacay, waxaad ka warhaysan shalay (doraad) in magaaladda Burco fal aad iyo aad u fool-xun uu ka dhacay oo aanu ku tilmaami karno in uu yahay aafo-qaran.Runtii beryahan dambe xukuumadda Somaliland ama hay’adaha amniga iyo wasaaradda arrimaha guduhu waxay caadaysteen in mushtacama bulshada cidkasta oo ka tirsan oo cabasho isugu soo baxdaa ay u adeegsato inay la dhacdo rasaas nool, taasoo dhaawac u geystay niyadii mushtacama iyo wadda jirkoodii.”
Afhayeenka Waddani waxa uu si guud uga hadlay tacaddiyo ciidamada Amnigu u geysteen shacabka, waxaanu yidhi, “Waxaad ka warhaysaan Lughaya laga soo bilaabo ilaa magaaladda Caynabo oo ugu dambaysay dilal baahsani ka dhaceen oo dhamaantood ciidamada amniga Somaliland ka tirsani ay ka qayb-qaateen qaarkoodna Milateriga laftigiisu uu lug ku lahaa sida tii ka dhacday magaaladda Saylac oo kale, waxaad ogtihiin oo aanu anigunna doonayna in aanu mar labaad halkan ka caddayno in wasiirka arrimah guduhu Somaliland mar uu golaha wakiiladda horjoogay oo la weydiiyey sababta keentay in hub nool loo adeegsado shacabka wuxuu ku jawaabay in dawladnimadda macnaheedu yahay wax la dilo, wax la xidho iyo wax la dalaacsiiyo, nasiib-darro ayaanu ku tilmaamaynaa, waxaanu leenahay waa aayan-darro inay xukuumaddu u fahanto inay macnaha dawladnimo tahay cabudhin iyo cago-juglayn ay mushtamaceega kula kacdo.”
Waxa kale oo uu ka hadlay, “Waxaase mushkilad ah oo maalin walba soo noq-noqonaysaa arrimaha noocaasi oo kala ah in dadka horyimaadan oo ay ku soo noq-noqdaan waa ayaan-darro masuuliyadeedanna ay iska leedahay xukuumadda taladda haysaa waxaad ka warhaysan oo aad la socoteen in maamulkii gobolka Togdheer iyo maayarkii magaaladda Burca-ba shilkan dhacay markii ay ka hadlayeen iyagoo aad uga naxsan inay tilmaameen in aanay meesha oolin wax RRU loogu yeedhay in aanay ogolayn wax xabad loogu jawaaba oo nimankii cabanayey iyo maamulkii degmadu ay is-afgarteen waddo-hadala u socoday ay ku war heleen rasaasta dushooda ka dhacay, waxayna ku tiraabeen oo ay sheegeen inay garan la’yihiin cida soo amartay iyo meesha laga soo maray ciidanka dadka xabada la dhacay waa nasiib-darro iyaga xil-baa saarran mushtamaca la’layey waa dadkii gobolka ay masuulka ka yihiin xilka saarani waxaa weeye inay ka daba tagaan oo aanay ka dabo hadhi cidaa falka kaasi gaystay soonna ogaadaan cida amarka siisay.Waxaanan xukuumad ugu baaqayna in guddi madaxbannaan u saarta dhacdada ka dhacday gobolka Togdheer,” ayuu yidhi Afhayeenka Waddani Ibraahim Mahdi Buubaa.
Dhinaca kale, guddoomiye ku xigeenkii hore ee ururka UMMADDA, immikana ka tirsan madaxda sare ee Xisbiga mucaaradka ee Waddani Cabdirashiid Maxamed Cali  oo ka hadlay shirkaas jaraa’id, ayaa difaacay dhaliisha guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe loogu jeediyey kulanka todobaadkan ku dhexmaray magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska.
Cabdirashiid oo arrimahan ka hadlaya, waxa uu yidhi, “Waxaynu maalintii dhawayd arkaynay Wasiirkii warfaafinta oo ka hadlaya kulan uu guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya oo iska ahayd salaan caadi ah oo aan waxba ku jabnayn. Waxaynu ogayn in wasiirka madaxtooyadu Xirsi uu Dubai kula kulmay wasiirka madaxtooyada ee Soomaaliya, wasiirka warfaafinta ee arrintani waaweynaynaya waxaanu weydinaynaa ma ka war hayaa waxaa ka dhacay Burco, dadka la laayay muxuu uga hadli waayey, waxay muujinaysa in xukuumad danaysato ah oo aan dalka iyo dadka u naxayni ina haysato xisbiyada UCID IYO WADDANI waxaan usoo jeedinaya inay iskaashadaan sidii dalka loo bad-baadin lahaa,” ayuu yidh Cabdirashiid Cali.
Hadalka difaacidda ah ee ka soo baxay masuul sare oo ka tirsan xisbiga WADANI ayaa ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah oo labada xisbi mucaarid oo markii hore khilaaf weyni u dhexeeyey ay u muuqdaan inay hadda iskaga soo dhawaanayaan xukuumadda, iyaga oo wakhtiyadii hore loo arkayey inay kaalintii mucaaradnimo iyagu iskaga mashquuleen.