Hargeysa, 23 May, 2013 (Ogaal)- Wasaaradda Maaliyadda Somaliland iyo maamulka Cashuuraha Berriga ee Berbera, ayaa ka hadlay musuq-maasuq lagu eedeeyey Kastamka magaalada Berbera oo Hanti-dhowrka Qaranku baadhis ku sameeyey isla markaana loo xidhay masuul ka tirsan cashuuraha Berriga ee Berbera. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyada Somaliland Saleebaan Jaamac Diiriye ayaa xaqiijiyey in musuq-maasuq ka dilaacay [...]
3:05 pm | Posted in
WARARKA |
Read More »
Burco, 23 May, 2013 (Ogaal)- Ciyaartoy ka tirsan Xulka kubadda Cagta Gobolka Togdheer, ayaa eedaymo la xidhiidha xulashada ciyaartoyga gobolkaas u metelaysa ciyaaraha gobollada ku eedeeyey Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka Md Siciid Cali Raygal oo todobaadkan socdaal ku tagay magaalada Burco. Dhalinyaradan ciyaartoyga ah oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay hotel Nasiye ee magaalada [...]
Hargeysa, 23 May, 2013 (Ogaal)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa shalay Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Faransiiska u fadhiya Magaalada Nairobi arrimaha Somaliland iyo Somaliya Ambassador Etiennce De Poncins oo Booqasho ku yimid Dalka. Kulan Albaabadu u xidhnaayeen oo dhexmaray madaxweynaha iyo Danjiraha Faransiiska ka dib, waxa nuxurka kulankaas tafaasiil ka bixiyey Wasiirka [...]
Hargeysa, 23 May, 2013 (Ogaal)- Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada, ayaa shaacisay in xukuumaddu qabanayso Shir heer qaran ah oo lagu faaqidayo hababka ugu habboon ee shaqo abuur looga samayn karo dalka, kaas oo ku qabsoomi doona magaalada Hargeysa. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqada Md Maxamuud Axmed Barre, ayaa war-saxaafadeed warbaahinta dawladda laga sii [...]
Copenhagen, 22 May, 2013 (Ogaal)- Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah Muwaadniinta Somaliland ee mabda’ ahaan u hanqal-taaga fekerka Soomaali weyn balse muddooyinkii u dabeeyey ka soo debcay ka dib markii uu ku hungoobay cadaalad-darro iyo ismuquunin Beelaysan oo ka jirta hanashada hoggaanka Soomaaliya, ayaa ka hadlay ismaanka siyaasadeed ee wakhtigan ka dhex-jira [...]
Hargeysa, 22 May, 2013 (Ogaal)- Safiirka Midowga Yurub u Qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Michele Cervone d’Urso, ayaa shalay Socdaal Kedis ah oo ku yimi Magaalada Hargeysa isaga iyo wefti uu hoggaaminayo oo ka soo dagay garoonka Diyaaradaha ee Egal International Airport, ayaa waxa qasriga madaxtooyada ku qaabiley Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo [...]
2:47 pm | Posted in
WARARKA |
Read More »
Hargeysa, 22 May, 2013 (Ogaal)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horreysay tan iyo gunaanadka munaasibaddii 18-ka May, Warbaahinta kala duwan ee dalka ku bogaadisay doorkii ay ka qaateen tebinta munaasibadihii loo qaybtay 22-guurada maalinta Qaranimada Somaliland. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md Cabdirashiid Jibriil Yuusuf, ayaa saxaafadda dalka iyo ta Caalamiga ahba [...]
Nairobi, 22 May, 2013 (Ogaal)- Ururka midowga Yurub, ayaa ku wareejiyey urur goboleedka Geeska Afrika ee IGAD dugsiga farsamada Caafimaadka Xoolaha ee magaalada Sheekh, sida lagu sheegay warsaxaafadeed shalay ka soo baxay xafiiska midowga Yurub ee Nayroobi. “Mac-hadkan oo ahaa ka kaliya ee lagu barto caafimaadka xoolaha ee ku yaala Somaliland, oo ay 10 sanno [...]
2:44 pm | Posted in
WARARKA |
Read More »
Hargeysa, 22 May, 2013 (Ogaal)- Wasaaradda Xannaanada Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday olole ka dhan ah caafimaadka Xoolaha oo xannuunnada Furuqa iyo Susunka lagaga tallaalayo Xoolo tiradooda lagu Qiyaasay laba Milyan oo Neef. Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw-daahir Cali oo shalay xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta, ka dib markii uu la kulmay masuuliyiin [...]
2:44 pm | Posted in
WARARKA |
Read More »
Hargeysa, 21 May, 2013 (Ogaal)- Dawladda Ingiriiska, ayaa markii u horreysay ka hadashay muranka Maamulka hawada Sare ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, kaas oo ay ku tilmaantay inuu ka mid yahay waxyaabaha Gundhigga u ah wada-hadallada u bilaabmay labada dhinac. Dawladda Ingiriisku waxa ay dhanka kale ka hadashay mawqifkeeda ku aaddan Qadiyadda Madax-bannaanida Somaliland [...]