Hargeysa, 19 May, 2013 (Ogaal)- Shirkadda waddaniga ah ee dhinaca isgaadhsiinta casriga ah SOMTEL, ayaa kaalintii ugu ballaadhnayd ka qaadatay baahinta tooska ah ee dabbaaldegyada xuska sannad-guurada 22-aad maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May oo telefishannada waaweyn ee dalku si toos ah u tabinayeen munaasibadaha iyo khudbadaha laga jeediyey. Shirkadda SOMTEL ayaa awoodeedda baahineed ee [...]
Hargeysa, 19 May, 2013 (Ogaal)- Shirkadda Wadaniga ah ee Indha-deero Group, ayaa shalay wacdaro ka muujiyay xuska dabaaldega 22-guurada ka soo wareegtay Dib u-hanashadaMadax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-kii May. Shirkada ganacsiga ee Indha-deero group waxay dabaaldegii xuska 18 May ka dhacay waddada wadanaha ee Caasimada Hargeysa Shaqaalaheeda iyo Hawl-wadeenadeedu ku soo bandhigeen Adeegyadda iyo alaabta [...]
Hargeysa, 09 May, 2013 (Ogaal)- Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom, ayaa faahfaahin ka bixisay sababaha kellifay hirgelinta fureyaasha dheeradka ah ee lagu daray numberrada ay isticmaalaan macaamiisheeda adeegga telefoonnada Gacanta. Sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Suuq-geynta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda Telesom, fureyasha cusub ee lagu kordhiyey telefoonnada Gacanta ayaa qayb [...]
Hargeysa, 09 May, 2013 (Ogaal)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa xadhigga ka jartay dhisme fasallo waxbarasho ah oo Jaamacadda Hargeysa ay u dhistay shirkadda Dahabshiil Group. Dhismahan oo ka kooban afar fasal oo ardaydu wax ku baran doonto iyo xafiis maamul oo loo dhisay qaab heersare oo jaamacadeed ah, [...]
Muqdisho, 30 April, 2013 (Ogaal)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay gelinkii dambe dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada dalkaas, kadib markii labadii cisho ee la soo dhaafay uu booqasho ku joogay magaalada Garoowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamed iyo wafdi la socday, ayaa markii ay dorraad gaadheen [...]
Muqdisho, 04 April 2013 (Ogaal)- Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalkaasi Soomaaliya, ayaa sheegatay inuu soo gaadhay dhukumanti sir ah oo sida ay sheegeen laga helay xafiiska Madaxwaynaha Soomaaliya. Al-shabaab waxa ay sheegtay in dhukumantigaasi looga keenay Xafiiska Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isla-markaana uu agtooda qiimo weyn ku leeyahay. Qoraal ay Al-shabaab shalay baahisay, [...]
Hargeysa, 26 March, 2013 (Ogaal)- Dallad kulminaysa midnadleyaasha Adeegga Bulshada, ayaa markii u horreysay lagaga dhawaaqay Magaalada Hargeysa. Munaasibad oo ay ka soo qayb galeen Madax heer qaran, shaqaalaha hay’adaha, ururrada bulshada iyo dad rayid ah oo lagu xusayay Maalinta Mihnadlayaasha Adeega Bulshada (World Social Workers Day) oo ku qabsoontay Guriga Shaqaalaha ee magaalada Hargeysa, [...]
Khartuum, 03 Jan, 2013 (Ogaal)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud iyo Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa shalay kulan ku yeeshay magaalada Khartuum ee xarunta dalka Sudan oo uu madaxweynaha Soomaaliya safar ku joogo. Labada Madaxweyne ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen arrimo door ah oo khuseeya xidhiidhka labada dhinac ee Somaliya iyo [...]
Puntland, 25 Dec, 2012 (Ogaal)- Roobab dabeylo wata ayaa tan iyo xalay ka da’ayay xeebaha iyo Degaamo ka mid ah Maamul-goboleed Puntland ee Soomaaliya, gaar ahaan deegaanka Bandar-bayla ee Goboka Bari iyo deegaanka Eyl ee gobolka Nugaal. Duufaanta ku dhufatay deegaankaas oo todobaadkan bilowgiisa culimada saadaasha hawadu ka digeen, ayaa shalay galaafatay Doon u rarneyd [...]
Washington, 23 Dec, 2012 (Ogaal)- Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, ayaa xoghayaha Arrimaha Debadda ee dalkaas u magacaabay John Kerry oo Xisbiga Dimuqraadiga xilka madaxtinimada ugu tartamay sannadkii 2004-tii balse ku guul-darraystay. Madaxweyne Obama oo uu Weheliyo Sentor John Kerry oo shalay Jimcihii warbaahinta kula Aqalka Cad, waxa uu ku sheegay xulashada masuulkan cusub khibrad iyo [...]