CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

DIIRADDA WARGEYSKA: Maamul-xumada ka Tis-qaadaday Gudaha Deyrka Bilicda leh ee Wasaaradda Warfaafinta

Intiinii la socoday qormadii Wargeyska ku soo baxday caddadkii shalay, waxa aanu akhristeyaasha ugu ballan-qaadney soo tebinta nidaamka cadaaladeed iyo maamul ee wasaaradda warfaafinta wehelka u noqday, kuwaas oo saamayn ku yeeshay gudasha waajibaadka iyo habsami u socodka hawl-maalmeedka shaqo ee waaxyaheeda kala duwan. Akhriste, Qormooyinkani uma taagna dareen ka tarjumaya nacayb gaar ah oo [...]

‘BAROORTU ORGIGA KA WEYN’ – Masuuliyiinta Warfaafintu Waxa ay Shacabka u bandhigeen Nusqaanta maamul iyo aqooneed ee la deriska noqday

Waa caado ama dhaqan ay iska leeyihiin masuuliyiinta Dawladda ee la dhaliilo habacsanaanta maamul iyo musuq-maasuq ee ka tisqaadda hay’adaha masuuliyaddooda loo igmaday iyo hawlaha qaran ee ay masuulka ka yihiin. Waxa ay badanaa masuuliyiintaasi ku sifoobaan inay shacbiga ka majara-habaabiyaan xaqiiqada rasmiga ah ee warbaahinta madaxa-bannaan ku soo bandhigto dhaliilaha ka soo if-baxa hannaankooda [...]

Xoorka Saxaaraha iyo Xasuuqa Safaanaha

Qalinkii: Muuse F. Jaambiir Mar keliya ayay asxaabtii ardaaga wada fadhiday aamuseen. Kaftankii iyo jareexadii ay talantaaliga isu waydaarsanayeen hakiyeen. Daymaddooda middeeyeen oo muuqaal aragooda ku dhegay wada jalleeceen. Iyagoon is ogayn oo mid kastaaba moodayay inuu keli ku yahay aragtida sawirka jawigii haasaawahooda bedelay, ayay isku mar ku dhawaaqeen, ‘’ Ax..Ax..waar bal eega arxan [...]

Wasiirkii hore ee Warfaafinta oo Xujo Culus hordhigay Mas’uul kasta oo Xil qaran Wareejin Doona

“Waxaad iga Gudoontaa Telefon Mobilkii aan ku shaqaynayay, Kanina Waa Raadiyihii aan idaacada ka dhagaysanayay iyo Lab topkan oo ka mid ah agabkii dawladda ee aan ku shaqaynayay ee Gacantayda ku jiray waxa raaca waa Furihii baabuurka oo waa kan”. Odhaahyadani waxay ahaayeen kuwo ka baxsan khudbaddii u qornayd wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta Mudane [...]

Waa Kuma Siyaasiga ku fadhiistay Kursiga uu Meles Zenawi banneeyey?

Hargeysa, 23 August, 2012 (Ogaal)- Ku-xigeenka Raysalwasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Debedda Haile Mariam Deslegne, ayaa maalintii Dorraad loo dhaariyey inuu si ku-meel gaadh ah u sii qabto Jagada Raysalwasaaraha dalka Itoobiya oo uu banneeyey Meles Zenawi oo Dorraad u geeriyooday Xannuun uu muddada u yaallay Cusbitaal ku yaala dalka Belgium ee xarunta Midowga Yurub. Haddaba, [...]

Xaqiiqada warqadda laga been-abuuray Guddoomiye Cirro, fashilka qaab-dhismeedka Qoraalada iyo ujeedada ka dambaysa

Tan iyo intii ay soo baxday warqada warbaahinta qaarkeed ku sheegeen inay shaacisay xidhiidh lacageed oo dhex maray Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka WADDANI MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Guddoomiyaha Baanka Jabuuti Jaamac  Maxamuud Xayd, ayaa waxay is-waydiin leh warqadan dhumadiga ah halka ay ka timi, sida ay u qoran tahay, inay sharci tahay [...]

‘Madaxweyne Warbaahinta Abaalkeedu maaha laba TV baanu u yeedhanaye iska taga!’

Ogaal Staff Writter  Iyada oo warbaahinta dalka uu sharcigu u damaanad-qaaday helitaanka xogta iyo wararka, ayaa muddooyinkii dambe, waxa soo badanaya cadaaddis xukuumadu taas kaga soo horjeedo iyo in si aan banaanayn loo kala xusho warbaahinta qaranka. Inkasta oo loo arkayay in Xukuumaddani ay wax badan kala socoto waajibaadka ka saaran fududaynta helista macluumaadka iyo [...]

Qaddiyadda Somaliland oo Loo iib-geeyay Sayladda Siyaasadda Yurub

Goobtu waa Bruxelles , xarunta midowga Yurub. Taariikhduna waa 25.06.12. Waa maallin xasuus leh waxaa magaalada ku kulmay bulsho ku abtirsata dagaanka aan kor ku soo sheegay  ee Somaliland dadkan  qaarkood  abid firsad maanta ka horaysa  umay  helin in ay iskarkaan si toos ah , waxaa ka mid ah kuwo is magac yaqaan laakiin aan [...]

‘Xamareey Ayaan-daran!’

Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB Intaanan guda gelin nuxurka maqalkan, waxaan doorbiday inay lagama maarmaan tahay in xogaa hordhac ah lasiiyo aqristayaasha suuban, waana tan ee lasoco. Qeexid Shantii wadan ee Somalidu ka degaysay Geeska Afrika, laba kamid ah ayaa xoroobay 1960-kii, kadibna midoobay, si ay ugu gogoldhigaan Somaliweyn. Waxay dalkoodii ula baxeen: Somali Republic [...]

DIIRADDA WARGEYSKA: Somaliland & Jabuuti: ‘Taada tuuroo, tayda ii yeel!’

Tan iyo intii uu talada dalka Somaliland la wareegay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo waxa si is-daba joog ahayd u soo wanaagsanaanayay is-fahamka Somaliland iyo Jabouti, isla markaana maamulka Madaxweyne Geelle ayaa u muuqday kuwo si ka firfircoon sidii ay ula dhaqmayeen maamulkii Rayaale ugu soo dhawaanayay Somaliland. Ma xuma inay labada dal ee walaalaha ahi wada yeeshaan [...]

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE